Sabti, July, 14, 2018 (HOL) – Madaxweynaha
dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray ku
magacaabay guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda
Racfaanka Gobolka .
Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda
Gobolka Banaadir waxaa uu u magacaabay Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed oo
muddo ka soo shaqeynayey Garsoorka dalka, sidoo kalena ku takhasusay Shareecada
iyo Qaanuunka, halka Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi oo aqoon durugsan u leh
Shareecada iyo Qaannuunka loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka
Gobolka.
Madaxweynaha ayaa isla wareegtadan waxa uu
xilalkii kaga qaaday Guddoomiyeyaashiii hore ee maxkamadda Gobolka Banaadir iyo
Maxkmadda Racfaanka Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Cabdullaahi Weheliye iyo
Saalax Sheekh Ibraahim Dhib-laawe.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey
Guddoomiyeyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in
ay si siman ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed, isagoona dhanka kale u rajeeyay
Gudoomiyeyaashii hore mustaqbal wanaagsan.
Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha ayaa ku
saleeysan ballanqaadkiisii ahaa inuu dib u habayn ku sameeyo nidaamka garsoorka
dalka oo ka mid ah qorsheyaasha ugu muhiimsan ee dowladda horyaalla.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]