4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 13, 2018
Dowladda Norway oo si rasmi ah u aqoonsatay Basaboor-ka Soomaaliya

 

Jimco, July, 13, 2018 (HOL) – Dowladda Norway ayaa maanta ku dhawaaqday in ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya, ayada oo ku biiraysa dalalka Yurub ee horay u aqoonsaday sida Faransiiska, Talyaaniga iyo kuwo kale.

Munaasbad lagu qabtay magaallada Nairobi oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayuu ku sheegay safiirka Norway u fadhiya Kenya danjire Victor C. Rønneberg in hal sano oo ay wada-shaqeynayeen dowladda Somaaliya kaddib ay ku qanceen hannaanka lagu bixiyo baasaboorka iyo tayadiisa.

“Horay waxaan u aqoonsannayn baasaboorka Diblomaasiga ah ee  Soomaaliya, Norway waxa ay sidoo kale aqoonsanaysaa baasaboorka caadiga ah iyo kan shaqo ee ay soo saarto Agaasinka Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya. Go’aankani waxa uu dhaqan galayaa bisha Agoosto kowdeeda” ayuu yiri danjire Rønneberg.

“Waxaana ku biiraynaa dalalka Midowga Yurub ee aqoonsan baasaboorka Soomaaliya. Inta la ogyahay waxaa ka mid ah dalalka France, Talyaaniga, Poland, Slovenia, Lithuania, Portugal, Malta Estonia. Ugu dambayn aan caddeeyo in go’aanka ay Norway ku aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya uusan wax ka beddelaynin shuruudaha  dal ku galka Norway” ayuu safiirka hadalkiisa ku daray.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo munaasabaddan ka qeyb galay ayaa sheegay in dadaal dheer oo ay sammeysay dowladda Soomaaliya iyo shaqo adag oo ay qabatay Agaasinka Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay keentay in dowladda Norway ay aqoonsato baasaboorka. Isaga oo si gaar ah u bogaadiyay safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo sidoo kale kaalin mug leh ka qaadatay arrintaan.

“Waa maalin taariikhi ah, Norway sanadkii 2012 ayay aqoonsatay baasaboorka diblomaasiga ah, maantana waxa ay aqoonsatay dhammaan noocyada kale sida kan shacabka iyo midka shaqaalaha, dadaal ay bixisay dowladda gaar ahaan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda oo uu hoggaaminayo AGaasime Koofi ayaa lagu gaaray” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Wasiirka Amniga Qaranka mudane Maxamed Abuukar Isloow oo munaasabadda ka qeyb galay ayaa u mahad celiyay dowladda Norway, isaga oo tilmaamay in aqoonsiga ka sokoow ay dowladda Norway dowlado kale la wadaagayso xogta ku saabsan baasaboorka Soomaaliya si ay u aqoonsadaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii 2007-dii billowday daabacaadda baasaboor elektronig ah, kaas oo lagu beddelay baasaboorkii hore oo laga heli jiray suuqa. Wixii ka dambeeyay waqtigaas waxaa la sii adkaynayay hannaanka lagu bixiyo baasaboorka ayada oo sidoo kale ay sii badanayeen dowladaha aqoonsanaya ama oggolaanaya in ay dal ku-gal saaraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]