4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 13, 2018
Haweeneey-dii ugu horeysay oo darajada Janeraal loo dhaariyay dalka Kenya

 

Jimco, July, 13, 2018 (HOL) – Fatuma Axmed ayaa maanta loo dhaariyay haweeneeydii ugu horeysay oo daraja Janaraal ka gaarta ciidamada qalabka sida ee dalka Kenya.

Fatuma ayaa lagu dhaariyay xaflad si qurux badan loo soo agaasimay oo ka dhacday magalada Nairobi islamarkana uu goobjoog ka ahaa madaxwayne Uhuru Kenyatta.

Fatuma ayaa militariga dalka kanya ku biirtay 35 sano ka hor, waxaa ay noqonaysaa haweeneeydii ugu horreysay oo darajada Janaraal gaarta militariga dalka Kenya.

Waxaa jagada janaraal faatuma loo dalacsiiyay sanaddii 2015, wWaxa ay imika hogaamin doontaa waaxda tasiilaadka ee militariga Kenya.

Madaxwayne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in uu rajaynayo in guusha ay Fatuma gaartay ay dhiirigalin u noqon doonto haweenka kale islamarkana uu rajaynayo in ay hormuud iyo tusaale u noqon doonto.

Isha Warka BBC