Jimco, July, 13, 2018 (HOL) – Warar goor dhaw
naga soo gaaray dulleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Tabeellaha
Sheekh Ibraahim ayaa sheegaya in rag hubeysan ku dileen Sheekh
Cabdullaahi Maxamed Roobe oo da’diisa lagu sheegay 85 sano jir.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in rag
watayMootada loo yaqaano VIKON in ay gaari NOAH ah oo uu watay Sheekh C/llaahi
ku hor jareen kadib-na ay ku rasaaseeyeen.
Gaaariga ayaa la sheegay in ay la saarnaayeen Sheekha dad ay ehel yihiin, kuwaa oo la sheegay in aysan wax
khasaare ah kala kulmay weerarka lagu dilay marxuumka.
Ragga toogashada geystay oo aan la garan ayaa goobta ka baxsaday, lamaha oga sababta keentay toogashada
Waddaadkan.
Ciidamada dowladda ayaa tagay goobta waxayna Marxuumka geeyeen xarunta dambi
baarista ee CID-da, kahor inta aysan keenin gurigiisa oo ku yaalla xaafada Baar
Ha’idhaafin, Waaxda Hanti-wadaag ee degmada Waaberi
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]