4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 13, 2018
Wafdi ka socday taliska xoogga dalka oo laga celiyay garoonka diyaaradaha Kismaayo

Khamiis, July, 12, 2018 (HOL)–Wafdigan oo uu horkacayay taliyaha cusub ee saldhigga qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee fadhigoodu yahay magaalada Kismaayo Sarreeye Guuto Cali Bogmadoow ayaa dib looga celiyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Sidoo kale wafdiga waxaa qeyb ka ahaa taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka qeybta 43-aad Gen. Ismaaciil Saxardiid, kaasoo dhawaan ay dowladdu xilka ka qaaday.

Diyaaraddii siday wafdiga ayaa lagu amray in ay dib ugu laabato Muqdisho, waxaan wafdigu ay ku laabteen isla diyaaraddii keentay.

Ma cadda ujeedada ka danbeeysa arrintan, balse madaxda Jubbaland ayaa lagu wadaa in goordhow ay qabtaan shir jara'aid oo ay uga hadlayaan waxa sababay in dib loo celiyo wafdigaasi.

Naga filow faahfaahinta goordhow.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.