3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 13, 2018
Xeradii ciidamada Hiil-weyne oo dib loo howlgalinayo

 

Jimco, July, 13, 2018 (HOL) –Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u howlgalin doonto xiryihii waaa-weynaa ciidamadu lahaan jireen, gaar ahaan xerada Hiil-Weyne oo ku taala dulleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka Wasaaradda difaaca xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cali Xassan oo uu wehliyo taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa kormeer ku tagay xerada, iyaga oo warbixinno ka dhageystay saraakiil ciidan.

Wasiirka ayaa sheegay in ay dib u howlgelinayaan xarumihii ciidamada ee gobolada dalka, Waxa uu tilmaamay in ay joogteynayaan xuquuqda ciidamada dib-na u howlgelinayaan xarumihii ciidamada.

Dhinaca kale taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed Cabdi Wali Jaamac Gorod ayaa sheegay in marnaba la aqbali doonin sida uu hadalka u dhigay ciidamada caadeystay in ay dhibaateeyaan Shacabka.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Taliyeyaasha ciidamada iyo xubnaha guddiga difaaca ee golaha shacabka ayaa maalmihii dambe koormeer ay ku sameynayay xarumihii ciidamada ee gobolada dalka iyo duleedka Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 













Click here
7/13/2018 12:24 PM EST
Jimco, July, 13, 2018 (HOL) – Dowladda Norway ayaa maanta ku dhawaaqday in ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya, ayada oo ku biiraysa dalalka Yurub ee horay u aqoonsaday sida Faransiiska, Talyaaniga iyo kuwo kale.

7/13/2018 10:13 AM EST
Jimco, July, 13, 2018 (HOL)–Fatuma Axmed ayaa maanta loo dhaariyay haweeneeydii ugu horeysay oo daraja Janaraal ka gaarta ciidamada qalabka sida ee dalka Kenya.

7/13/2018 10:05 AM EST
Jimco, July, 13, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay is-fahamka ay gaareen Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug oo maalmahan u joogay magaalada Muqdisho xal u helida khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex jiray.

7/13/2018 7:56 AM EST
Jimco, July, 13, 2018 (HOL)–Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Max'uud Sayid Aadan oo shir jaraa'id ku qabtay xarunta madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay sababtay ay Jubbaland...

7/13/2018 6:55 AM EST
Jimco, July, 13, 2018 (HOL)–Warar goor dhaw naga soo gaaray dulleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim ayaa sheegaya in rag hubeysan ku dileen Sheekh Cabdullaahi Maxamed Roobe oo da’diisa lagu sheegay 85 sano jir.

7/13/2018 4:48 AM EST
Khamiis, July, 12, 2018 (HOL)–Wafdigan oo uu horkacayay taliyaha cusub ee saldhigga qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee fadhigoodu yahay magaalada Kismaayo Sarreeye Guuto Cali Bogmadoow ayaa dib looga celiyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

7/13/2018 2:16 AM EST
Jimco, July, 13, 2018 (HOL)–Taliska hay’adda Nabad-sugida maamul gobolleedka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku soo bandhigay sarkaal ka soo goostay Al-shabaab oo magaciisa lagu sheegay Aadan Hudow Cabdi.

7/13/2018 1:08 AM EST
Jimco, July, 13, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Max’uud Cumar ayaa u soo jeediyay Ururrada Mucaaradka ah in ay nabada qaataan, iyaga oo ka faa’ideysanaya isbadalka siyaasadeed ee guud ahaan ka hana-qaaday dalka Itoobiya.

7/13/2018 12:47 AM EST
Jimco, July, 13, 2018 (HOL) - Ku simaha Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir oo waraysi siiyay warbaahinta dowladda, isaga oo ku sugan wadanka Sacuudiga ayaa wuxuu ka warbixiyay kulamo uu halkaasi kula qaatay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Xajka ee dalka Sacuudiga.