4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 12, 2018
Ciidamada AMISOM oo Qarax lagula eegtay Muqdisho

 

Khamiis, July, 12, 2018 (HOL)–Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta lagula eegtay ciidamada AMISOM xaafadda Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa kaddib ayaa waxaa dhacay rasaas ay fureen ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM waxaa la xaqiijinayaa in ay ku dhinteen Labo ruux.

Intaasi kaddib ayaa dadweyne aad u careysan oo ka gadoodsan falkan ayaa waxa ay dhigeen banaanbax, waxayna is hor istaag ku sameeyeen ciidankii dowladda iyo kuwa AMISOM ee rabshada bilaabay.

Maamulka degmada Huriwaa iyo Waxgaradka degmada ayaa bilaabay wadahadal ay ku qancinayaan dadka deegaanka oo markii danbe waddooyinka isugu soo baxay.

Maalmo kahor ayay aheyd markii sidan oo kale gaari ciidan oo marayay xaafada Suuqa Xoolaha uu furay rasaas uu wadada ku furanayay, halkaasi waxaa ka dhashay khasaare kala duwan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]