4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 12, 2018
Maxaabiis kale oo laga sii dayay Jeel Ogaadeeniya magaalada Jigjiga

 

Khamiis, July, 12, 2018 (HOL) -Ismaamulka Soomaalida ee dowlad deegaanka Itoobiya ayaa sheegay in laga sii daayay xabsiga Jeel Ogaadeenaya ee magaalada Jigjiga maxaabiis kale oo aad u badan sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Idiris Ismaaciil Cabdi oo ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo la hadlay Idaacada VOA ayaa xaqiijiyay jiritaanka Warka ku saabsan in Xabsiga Jeel Ogaadeeniya laga sii daayay tiro kale oo maxaabiis ah.

Wasiirka ayaa sheegay in sii deysmada maxaabiistan lagu soo beegay Qorshaha 100ka maalmood ee ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo sida uu hadalka u dhigay ajandayaashii uu balanqaaday ay ka mid aheyd in marka hore uu dadka isku soo dhaweyn doono islamarkaana dalbay ayuu yiri Wasiirka in leys cafiyo.

Sii deysmadan ayaa imaneysa xili cambaareyn iyo waliba eedeymo kulul loo jeedinayay dowlad deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo lagu eedeeyay in ay six un ula dhaqmaan maxaabiista ku xiran Jeel Ogaadeenaya oo u badan dadka taageersan aragtida mucaaradka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]