4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 11, 2018
Baarlamaanka Soomaaliya oo fasax -gallay

 

Arbaco, July, 11. 2018 (HOL) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay in la soo xiray kalfadhigii 3aad ee Baarlamaanka.

Fariinta ku saabsan fasaxa Golaha Shacabka ayaa lagu ogeysiiyay Golaha Wasiirada iyo Madaxweynaha in si rasmi ah Kalfadhiga 3aad loo soo xiray 10kii bishan July.

Guddoomiye Baarlamaanka ayaa sheegay in kalfadhiga 4aad uu furmi doono 10-ka September ee soo socoto, iyadoo wixii ka horeeyana ay fasax galayaan Xildhibaanada.

Kalfadhigii 3aad ee Baarlamaanka oo soo bilowday 10kii bishii March ayaa markii uu furmay waxaa hareeyay qalalaaso siyaasadeed oo ka dhashay mooshin laga keenay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, kaasoo markii dambe isku casilay cadaadis uga yimid Xildhibaanada iyo Xukuumadda.

Fadhigii Baarlamaanka ayaa wixii ka dambeeyay markii la doortay Guddoomiye Maxamed Mursal waxaa uu noqday mid caga jiid ah, waxaana kulamadiisa ay ahaayeen kuwo aad u yaraa, iyadoo sidii loo fasaxay bishii Ramadaan aanay mar kale dib la isugu soo noqon, waxaana muddooyinkii kalfadhiyada Baarlamaanka uu gaabiska galay lagu macneeyay  in dib u dayactirka xarunta Golaha Shacabka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]