Arbaco, July, 11. 2018 (HOL) – Weftigii uu hogaaminayey madaxweyne ku xigeenka
Somaliland C/raxmaan Saylici ayaa ka soo saaray go’aanna lagu xoojinayo
amniga,isla markaana deegaanka laga dhigayo meel nab-doon.
Qodobadan oo uu akhriyey wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin
Axmed ayaa sheegay in afar qodob laga soo saaray shirka ka socda Ceel Afweyn.
Waxaana ay kala yihiin afartan qodob sidan:
1. In ciidamo beeleedyada nin waliba uu ku sugnaado halkii loo qorsheeyay si
shaqaaqo dambe u dhicin.
2. In Ciidamadaas cidii ka tirsan ee lagu arko meel aan ahayn meeshii loo
qorsheeyay loo aqoonsanayo inay yihiin fidmo wadayaal.
3. In Ilaalinta dhaq-dhaqaaqyada ciidamada hubaysan ee beelaha ay masuul ka
yihiin ciidamada Qaranka Somaliland iyo 4.
In Ilaalinta nabad-galyadu ay tahay danta guud ee qaranka, gaar
ahaan danta Ceel-afweyn, waxaanu xil-buuxa naga saaran yahay soo afjarida
mashaqadaas.
Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo gudoomiyaha
mucaaradka ah ee xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe,kuwaas oo sheegay inay muhiim
tahay in nabadda la ilaaliyo oo dadka walaalo ahi dantoodda gartaan.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.