4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 11, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay kaddib safar uu ku tagay dalalka Jabuuti iyo Turkiga

 

Arbaco, July, 11. 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeyb galay caleema saarka Madaxweynaha dalka Turkiga iyo shirka Madasha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha oo ka dhacay magaalada Jabuuti, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa intii ay ku sugnaayeen magaalooyinka Jabuuti iyo Ankara waxa uu si gaar ah ula kulmay madaxweynayaasha qaar ka mid ah dalalka Afrika iyo ka qeyb galayaal caalami ah, waxaa ayna ka wada hadleen danaha kala dhexeeya Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa dalkaTurkiga loogu soo dhaweeyay hab-maamuus sare, isagoona ka mid ahaa 20 hoggaamiye oo ka qeyb galay caleema saarka Madaxweyne Rajab Dayib Ordogaan.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda u ambabaxo magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaasoo uu kaga qeyb galayo shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay ka wada qeyb galayaan Madaxda maamul goboleedyada iyo beesha caalamka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]