4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 11, 2018
Al-shabaab oo ku hanjabtay in ay ka hortagi doonto danaha Itoobiya ee Dekeddaha Soomaaliya

 

Arbaco, July, 11. 2018 (HOL) – Al-shabaab oo markii ugu horeysay ka hadashay heshiiskii ay dhawaan gaareen hogaamiyayaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsanaa maalgashiga dekeddaha ayaa sheegtay in ay ka hortagi doonaan wax ay ku tilmaameen sida ay hadalka u dhigeen damaca Itoobiya.

Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu magacaabo Mahad Kaarateey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan aqabali doonin in Itoobiya ay isticmaalaan dekeddaha Soomaaliya, gaar ahaan dekedda Hobyo.

Waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay qarniyo ka hor la dagaalamayeen Itoobiya, si ay uga hortagaan damaceeda guracan ee ahaa inay qabsato dhulka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in heshiiska dekedaha lagu siiyay Itoobiya iyo hadalkii ka soo yeeray Abiy Ahmed ee ahaa in Soomaaliya iyo Itoobiya la mideyn doono uu yahay qorshe deggan oo ay qasab tahay in hoggaamiyeyaasha Itoobiya ay hirgeliyaan xoog ama xeelad midey doonaan haku keenaan.

Waxaa uu sheegay in Itoobiya ay in muddo si hoose ugu howlaneyd qorshaha la wareegitaanka Dekedaha, isla markaana ay jirto waddo laga soo bixiyay gudaha Itoobiya, lana doonayo in la soo geliyo Dekeda Hobyo oo uu xusay inay ka mid tahay dekedaha lagu wareejiyay Itoobiya, balse ay Mujaadihiinta ka hortageen oo lagu joojiyay nawaaxiga Caabud-Wwaaq, sida uu yiri.

Mahad Karateey ayaa sheegay in madaxda Soomaalida ee Baasaboorada shisheeye wata ay leeyihiin halistooda, una soo shaqo tagay sidii ay dhulka iyo badda Soomaaliyeed uga iibsan lahaayeen Itoobiya iyo Kenya sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in haddii aysan dadka Soomaaliyeed baraarugun Caasimadda Itoobiya laga dhigi doono Muqdisho, sida caasimadda Yuhuudda looga dhigay Qudus, waxaana uu tilmaamay in aanay marnaba aqbali doonin in taako ka mid ah dhulka Soomaaliya lagu wareejiyo Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]