4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 11, 2018
Wasiirka arrimaha dibeda Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka Beijing

Arbaco, July, 11. 2018 (HOL) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Khudbad ka jeediyay shirka Sideedaad ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta ee lagu qabtay Aqalka Shacabka ee caasimadda Beijing ee dalka Shiinaha.

Wasiirka ayaa ugu horeyn ka mahad celiyay sida maamuuska leh ee loogu soo dhaweeyay Dalka Shiinaha, isagoo sheegay in shirkan uu xoojinayo saaxiibtinimada iyo wada shaqeynya Dowlada Shiinaha iyo Wadamada Carabta.

“Waxaan aad ugu mahad-celinayaa dowlada iyo dadka Shiinaha sida wanaagsan oo ay noo soo dhaweeyeen, shirkan wuxuu ka mid yahay shirarka Iskaashiga ee xoojinaaya Saaxibtinimada taariikhiga ah ee ka dhaxeysa Shiinaha iyo dowladaha Carabta, wuxuuna xoojinayaa kalsoonida siyaasadeed iyo iskaashiga wada jirka ah ee dhinac walba si loo helo deganaasho Nabadeed iyo Hormarka dhanka dhaqaalaha ee bulshada labada shacab”. ayuu yiri Wasiirka.

Axmed Ciise Cawad ayaa shirka ka sheegay in Soomaaliya ay ku taalo Goob muhiim u ah isku xirka Ganacsiga Aduunka, wuxuuna xusay in xiriir taariikhi ah uu kala dhaxeeyo Shiinaha oo Iskaashi dhinacyo badan uu dhex maray.

“Soomaliaya waxaa ay dhacdaa goob muhiim ah oo istiraatiiji u ah caalamka iyo isku gooshida dhanka ganacsiga, waxayna la leedahay dowladda Shiinaha xiriiir taarikhi ah oo qoto dheer kuna dhisan Ixtiraam, sidoo kale Soomaliya waxay ka mid tahay dowladihii ugu horeeyay ee xiriir wada shaqeyn la sameeya Shiinaha, iyadoo ka qeyb qaadatay sidii ay dowladda Shiinaha kaalin weyn ugu yeelan laheyd Caalamka, waxaa ayna Soomaaliya ka qeyb qaadatay sida Shiinaha Qaramada Midoobay uga heli lahaayeen kursigooda sharciga ah” ayuu yiri wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibada ayaa dalalka ka soo qeyb galay shirka u sharaxay hormarka Soomaaliya ka socda, isagoo u sheegay in Isbedelo guul ah laga sameeyay dhinaca dhaqaalaha, amniga iyo aiyaasadda.

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya ayaa la kulmay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo qaar ka mid ah Wasiirada Carabta ee Shirka ka qeyb galay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]