4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 11, 2018
Baarlamaanka Soomaaliya oo dood ka yeelan doona tacadiyada ka jira Waddada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo

 

Arbaco, July, 11. 2018 (HOL) - Xildhbaaannada ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, laakiin ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa sheegay in kulamada ugu soo horeeya ee Golaha Shacabka horgeyn doonaan cabasho ka dhan ah tacadiyada ka jirta Waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Xildhibaannada ayaa sheegay in shacabka isaga kala goosha labada magaalo dhibaato weyn ku qabaan marinka Waddada, iyaga oo la kulma tacadiyo kala duwan iyo dil loo geysto intaba.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in kulan gaar ah ka yeelan doonaan sida uu hadalka u dhigay dhibaatada ku jirta ku safarka Waddada isku xirta Labada magaaalo.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa dhawaan ku dhaliilay ciidamada AMISOM in aysan waxba ka qaban amniga jidka isku xira deegaannada Koonfur Galbeed iyo Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]