Talaado, July, 10. 2018 (HOL) - Dalkeena Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qeyb
galaya shirweynaha caalamiga ah ee hay’adaha isgaarsiinta oo ka dhacaya
magaalada Geneva inta u dhexeysa 9ka illaa 12ka bishan.
Shiweynahan ayaa sanadkan waxaa diiradda lagu
saari doonaa sida teknoolojiyada ay saameyn ugu yeelatay nolol-maalmeedka iyo
sidii loo baahin lahaa sharciyada arrimahaas la
xiriira si loola socdo isbeddellada ay la imanayso teknoolojiyada.
Shir-weynahan wuxuu isku keenaa hay’adaha
isgaarsiinta adduunka, iyagoo halkaas isku weydaarsada aragtidooda iyo
waaya-aragnimadooda, waana madal ay ku wada hadlaan qeybaha kala duwan ee isgaarsiinta
ee isugu jira dadka dajiya siyaasadda, shirkadaha iyo daneeyeyaasha kale ee
isgaarsiinta.
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Boostada,
Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayna mid
yihiin mas’uuliyiinta maamulka iyo Guddiga sare ee Hay’adda Isgaarsiinta
Qaranka, ayaa shirkaas ka qeyb galaya, iyagoo maalintii koowaad halkaas kula
kulmay mas’uul ka socotay Midowga Isgaarsiinta Caalmaiga ah (ITU), Bankiga
Adduunka iyo shirkado iyo dalal kala duwan.
“Munaasabaddan waxay Soomaaliya u tahay mid
taariikhi ah, waayo sanad ka hor xilligan oo kale dalkeenu ma lahayn sharci
isgaarsiineed, hay’ad isgaarsiineed iyo xuquuqda codeynta ee dalka. Nasiib
wanaagsan 12kii bilood ee la soo dhaafay waxaan yeelanay sharci, hay’ad
isgaarsiineed iyo xuquuqdii codeynta oo aan soo ceshanay, waxaana maanta na
matalaya wasaarad iyo hay’ad oo kala leh waajibaadyo kala duwan” ayuu yiri
wasiirka.
Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in munaasabaddan
ay fursad qaali ah u tahay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo la doonayo inay wax
badan ka barato waayo-aragnimada hay’adaha dalalka kale, maadaama wixii hadda
ka horreeyay Wasaaraddu ay ahayd cidda kaliya ee dalka ku matali jirtay
dhammaan shirarka isgaarsiinta adduunka.
“Fursad muhiim ah ayay u tahay Soomaaliya maadaama
aanu dhiseyno hay’ad cusub, inagoo dooneyno in la xoojiyo xiriirka ay la
leedahay ururrada iyo hay’adaha kale ee ay wada-shaqeynta la leedahay,” ayuu
hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Wasiir Cabdi Cashuur Xasan.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]