4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 10, 2018
66 ergay oo Ceel Afweyn u jooga heshiisiinta laba beelood oo deegaankaasi dagaal ku dhexmarayey

 


Talaado, July, 10. 2018 (HOL) - Lix iyo lixdan ergay oo iskugu jira Culimo, madax dhaqameed, waxgarad iyo siyaasiyiin ayaa gaadhay degmadda Ceel Afweyn oo ay ka jirto colaad u dhexeysa laba beelood oo walaalo ahi, taas oo dagaal soo noqnoqday ka dhacay.

Ergooyinkan waxa hogaaminayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Saylici, waxaanu kulamo gaargaar ah la yeeshay culimadda iyo madax dhaqameedka iskaga kala yimid dhamaan gobolada Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa odayaasha iyo madax dhaqameedka ugu baaqay in nabadda la ilaaliyo oo dhibaatooyinka ka jira dhinac looga soo wada jeesto.

"Arrinta aynu u soconaa waa arrin nabad-galyo,waxaynu u baahan nahay in wax kasta oo ay inagu qaadanayso aynu nabadgelyo dhex-dhigno dadka walaalaha ah ee deegaankan, waa dad walaalo ah oo aanay waxba u kala soocnaynayn, hadana waa nasiib daro dagaalka dhex marayaa, hawshaas waxaynu u galaynaa sida ugu fiican"ayuu yidhi Saylici oo la hadlayey madax dhaqameedka Somaliland.

Sidoo kalana waxa uu madaxweyne ku-xigeenku kulan la yeeshay culimada ugu caansan gayiga Soomaalidu degto oo magaalada ceel-afweyn u jooga sidii ay u xoojin lahaayeen dadaalada nabadgelyo ee ay xukuumadda Somaliland ka waddo deegaanadaas, culimada ayaa ballan qaaday inay si daacada u gali doonaan hawlaha nabadaynta deegaankaasi.

Weftiiga Culimadda waxa hogaaminaya sheekha Caanka ah ee Sheekh Maxamed Cumar Dirir iyo sheekhul baladka Boorama Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar, kuwaas oo ballanqaada inay doorkoodda qaadan doonaan.

Magaaladda Ceel Afweyn waxa kafurmay shirka nabadeynta labaddan beelood ee dagaalka soo noqnoqday ee khasaaraha badan dhaliyey loo dhamayn lahaa, iyadoo maalmo ka hor laba qof lagu dilay deegaankan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.