4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 10, 2018
Jigjiga: Xabsiga dhexe oo laga sii deynayo maxaabiista ku xiran

 

Talaado, July, 10. 2018 (HOL) - Dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa maanta lugu wadaa in xabsiga dhexe ee magaalada Jigjiga ka-sii daayso inta badan maxaabiista ku xiran.

Maalmihii u dambeeyay, waxaa xabsiga ku laa-laabannayay ehalada maxaabiista ku xiran xabsiga, waxaa shalay barxad ku dhex-taalla xabsiga la isagu keennay maxaabiista ku xiran xabsiga oo lugu wargeliyay in Isniinta maanta la fasaxi doonno, sida ay Hiiraan Online ka soo xigatey qaar ka mid ah ehalada maxaabiista ku xiran xabsiga.

" Aad ayaan ugu farxi doonnaa haddii aan walaalkey la kulmo maanta.. waana u mahadcelin marka dowladda." Fartuun Geelle oo xabsiga uu ku xiranyahay walaalkeed ayaa sida u sheegtay Hiiraan Online.

Hay’adda Human Rights Watch ayaa warbixin ay dhawaan soo saartay waxa ay ku eedeysay maamulka inay ku tacadiyaan dadka maxaabiista ah, wallow ay mas'uuliyiinta eedeynta HRW diiddeen.

Waxaa ka mid ah maxaaabiista ku xiran xabsiga kuwa u xiran arrimo siyaasadeed iyo kuwa loo xiray inay ka tirsanaayeen jabhadda ONLF, bishii Febraayo ee sannadkan waxaa xabsiga laga sii daayay maxaabiis kor u dhaafaysa 1,500.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online

[email protected]

Nairobi, Kenya