4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 10, 2018
Brett Kavanaugh oo loo magacaabay xaakimka maxkamada sare ee dalka Mareykanka

 

Talaado, July, 10. 2018 (HOL) - Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa garyaqaan Brett Kavanaugh u magacaabay inuu noqdo mid ka mid ah xeer-ilaaliyaasha Maxkamadda Sare ee Mareykanka, si uu u bedello booska uu banneeyay Justice Anthony Kennedy oo howlgab noqday.

Munaasabad ka dhacday Qolka Bari ee Aqalka Cad si toos ahna looga daawanayay telefishinka, ayuu madaxweyne Trump kaga dhawaaqay in aysan jirin gudaha Mareykanka qof u qalanta oo kaga wanaagsan booskan Brett Kavanaugh.

wuxuu ku sifeeyay qaadi faqiih ah oo sharaf leh, oo u go,doomay sidii uu ugu adeegi lahaa dadkiisa iyo dalkiisa.

Kavanaugh, ayaa ah 53-jir aad ugu janjeera xisbiga muxaafidka ee uu ka tirsanyahay madaxweynaha.

Wuxuu 12-ki sano ee lasoo dhaafay ahaa qaadi heer federaal ah. Gaar ahaan maxkamadda racfaanka ee magaaladan Washington DC.

Sidoo kale wuxuu la-taliye u soo noqday madaxweynihi hore ee Mareykanka Goerge Bush. Si uu noqdo mid ka mid ah garsoorayaasha Maxkamdda Sare, wuxuu u baahnaan doonaa in ay ansixiyaan Golaha Senetka Mareykanka.

Isha Warkan VOA