4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 1 , 2018
Qodobo laga soo saaray shir u socday beel ka mid ah beelaha Somaliland


Axad, July, 01, 2018 (HOL) - Shir uga socday beel ka mid ah beelaha Somaliland deegaanka Buurta Gacan libaax ee gobolka Saaxil ayaa maanta la soo gabogabeeyey, waxaana laga soo saaray qodobo.

Shirkan waxa uu u socday beesha Garxajis oo ka mid ah beelaha Somaliland, waxaanay muddo toban cisho ah ku shiraayeen deegaanka Buurta Gacan libaax ee gobolka Saaxil, kaasi oo ay iskugu yimaadeen madax dhaqameed, aqoonyahano, qurbo joog , siyaasiyiin, haween iyo dhalinyaro, kana tashanayey arrimo khuseeya beeshoodda.

Waxaana gabogabadii ka soo baxay qodobadan:

1. In Midnimada In Garxajis ay ka tahay midka koowaad .

2. In Saami qaybsiga dawlada uu yahay mid aan cadaalad ku dhisnayn

3. In Kootada qandaraasyada dalka cid gaara ah la siiyo.

4. In Sinaanshiiyo la’aan ay beeshu ka tirsaneyso shaqaalaha dawlada, ciidamada , saraakiisha ciidamada iyo wixii la mid ah.

5. In beelaha Somaliland oo dhan lala shiro si dib loogu soo noqdo Axdi qarameedkii iyo dastuurkii lagu heshiiyay.

6. In la furo dastuurka dalka si beelaha darafyadu uga Qayb qaataan dawlada Hogaanka dalkana loogu sinaado.

7. Beeshu waxay cadaynaysaa in labadii xukuumadeed ee iska dambeeyay aanay dhex ka ahayn colaaada Ceel Afweyn ,Waxaana ay ku eedeeyeen in qaaar ka mida wasiirada xukuumada Muuse sii hurinayaan colaaadaaas.

8. Waxaanu ka digaynaa in Beesha lagu sheego Qaran Dumis, maadaama beeshu ahayd bud dhigii xoraynta dalka dad badana kaga dhinteen.

 Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland