4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 1 , 2018
Madaxweyne Farmaajo : Diyaar ayeeynu u nahay in aan dib u bilaawno wada hadalladii Somaliland

 

Axad, July, 01, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad loogu dabbaal-dagayay sanad guuradii 58-aad ee kasoo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koofureed iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur taas oo ka dhacday Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabaddan oo ay ka soo qeybgaleen kumannaan shacab ah ayaa ugu horreyn si kooban uga hadlay taariikhda xornimadda Soomaaliya iyo sidii looga adkaaday isticmaarkii Talyaaniga iyo Ingiriiska.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maanta ay mudan tahay in qofkasta oo Soomaali ah uu is waydiiyo 58 sano keddib in aan gaarnay himiladii ay lahaayeen Soomaalidii gobannimo doonka ahayd.

Mar uu ka hadlayay wada hadalladii hakadka galay ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland ayuu yiri; "Soomaaliland waa dad walaalaheen ah, duruufo badan oo na kala qaybiyay ayaan soo marnay. Dowladdan waxa ay diyaar u tahay in ay wada hadalladii soo celiso, si kasta oo aan kalsooni ku galin karnana aan ku galinno, maxaa yeelay waa walaalaheen, waana gacan iyo garab naga maqan."

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka soo noqnoqday ee degaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, isaga oo adkeeyay in Soomaaliya aysan u baahnayn in colaad iyo dhiig dambe lagu daadiyo.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan dowladda isaga oo yiri "Maanta waxaad heystaan dowlad uu aduunku u arko in ay tahay dowlad wanaagsan, dowlad sharafkiinna iyo sumcaddiinna ilaalineysa oo idiin keeneysa magac wanaagsan. Waxaa la doonayaa in aad gacan siisaan, lana shaqeysaan dowladdiina."

Madaxweyne Farmaajo ayaa isla maanta ubax dhigay Taalladda Dajirka Dahsoon oo ka mid meelaha taariikhiga ah ee lagu xasuusto dadkii usoo halgamay xornimada Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dul istaagay dhakhaatiir iyo dhallinyaro mutadawiciin ah, oo gargaar degdeg ah u fidinayay shacabka danyarta ah, si uu ugu dhiirrigeliyo hawlaha samafalka ah ee ay u fidinayaan shacabkooda.

Munaasabadda 1-da Luuliyo ee lagu qabtay Garoonka Banaadir waxaa ka qeyb galay Ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, Wasiirro, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisow, wafdi ka socday Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, safiirada dowladaha Turkiga, Qatar, Shiinaha iyo Imaaraadka, xubno ka socday Midowga Afrika, Ciidamada qalabka sida iyo kumannaan shacab ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]