6/28/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 1 , 2018
Hoobiyayaal lagu weeraray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

 

Axad, July , 01, 2018 (HOL) –Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tiro madaafiic ah oo goor dhaw lagu weeraray xarunta ciidamada AMISOM ee Xalane ee degmada Wadajir.

Ilo xog ogaal ah ayaa Hiiraan Online u sheegay mid ka mid ah madaafiicdan uu ku dhacay dugsi Qur’aan kaa oo sababay dhaawaca tiro ka badan Shan ruux oo ay carruur ka mid yihiiin.

Lama oga khasaaraha kale ee ka dhashay madaafiicdan oo sidoo kale ku dhacay isla qeybo kale oo ka mid ah degmada Wadajir.

Hoobiyayaasha ayaa laga maqlay magaalada xili amaanka siweyn loo adkeeyay loona dabaal-dagayo xuska munaasabada 1da Luulyo oo ah maalintii ay xoreebeen gobollada Koonfureen iyo is raaciin labada gobol ee Koonfur  iyo Waqooyi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/1/2018 3:08 PM EST
Axad, July, 01, 2018 (HOL)-Ku xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Peter De Clerk ayaa sheegay in khilaafka ka taagan degaanka Tukaraq darteed ay u barakaceen dad ka badan 12 Kun oo qof.

7/1/2018 1:26 PM EST
Axad, July, 01, 2018 (HOL)-Shir uga socday beel ka mid ah beelaha Somaliland deegaanka Buurta Gacan libaax ee gobolka Saaxil ayaa maanta la soo gabogabeeyey, waxaana laga soo saaray qodobo.

7/1/2018 9:57 AM EST
Axad, July, 01, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad loogu dabbaal-dagayay sanad guuradii 58-aad ee kasoo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koofureed iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur taas oo ka dhacday Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir.

7/1/2018 8:24 AM EST
Axad, July, 01, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku eedeeyay Al-shabaab iyo Ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ah ee Daacish in ay dhibaatooyin badan ay ka waddaan Soomaaliya, kuwaasoo halis ku ah madaxbaanidda Soomaaliya.

7/1/2018 4:28 AM EST
Ciyaaraha Todobaadka Soomaalida ayaa shalay si rasmi ah uga furmay Magaaladda Minneapolis , ciyaarahaan ayaa waxaa ka qayb galaya 24 kooxood oo ka kala yimi gobolada Maraykanka iyo Canada.

7/1/2018 3:17 AM EST
Axad, July , 01, 2018 (HOL)–Koox hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe ku dilay magaalada Muqdisho oday dhaqameed ka mid ahaa ergadii soo dooratay xildhibaanada Golaha shacabka.

7/1/2018 2:23 AM EST
Axad, July , 01, 2018 (HOL)–Magaalada Nouakchott ee dalka Mauritania ayaa lagu waddaa in maanta uu ka furmo shirka caadiga ah ee Madaxda dowladaha ee Midowga Afrika.

7/1/2018 2:15 AM EST
Axad, July , 01, 2018 (HOL)–Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya dibadbaxyo la xiriira maaalmaha xoriyada, gaar ahaan dabaal-dega munaasabada 1da Luulyo.

7/1/2018 2:00 AM EST
Axad, July , 01, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sannad-guurada 58-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed iyo israacii labada qeybood ee dalka, taasoo asaas u noqotay curashada Jamhuriyadda Soomaaliya.