3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 1 , 2018
Shirka Midowga Afrika oo ka furmaya Mauritania

 

Axad, July , 01, 2018 (HOL) – Magaalada Nouakchott ee dalka Mauritania ayaa lagu waddaa in maanta uu ka furmo shirka caadiga ah ee Madaxda dowladaha ee Midowga Afrika.

Shirkan caadiga ah ee Madaxda dowladaha ee Midowga Afrika ayaa ka mid ah shirarka Ururka Midowga Afrika, waana shirka labaad ee ururka uu yeesho sanad walba, marka laga soo tago shirka guud ee Madaxweynayaasha ee sanadlaha ah.

Madax kala duwan ayaa shirkaan ka qeyb galaysa sida madaxweynayaal, Ra’iisul Wasaarayaal, wasiiro  iyo marti sharaf lagu cusuumay.

Kulan madaxeedka oo ka qeyb galayaan madaxda Africa ayaa sidoo kale looga hadlayaa Qorshayaal muhiim ah oo ay ka mid yihiin dib u qaabeynta hey’adaha kala duwan ee ururka midawga Afrika, sidii loo heli lahaa Maaliyad lagu wado howlaha hor-tebinta leh ee Midawga Afrika, nabadeynta iyo amaanka qaaradda, horumarinta ganacsiga xorta ah ee Qaaradda (AfCFTA), sida qaaraddu ay mowqif mideysan uga qaadan laheyd wada xaajoodka Heshiiska Iskaashi ee u dhexeeya Afrika, caribbean iyo Pacific (ACP) iyo meel marinta Miisaaniyadda Ururka Midawga Afrika ee 2019.

Shirkan ayaa lagu wadaa in uu socdo 1-2 July sidda ay xaqiijiyeen madaxda Ururka Midowga Afrika.

Dhinaca Soomaaliya waxaa shirkan ka qeybgalaya wafdi uu horkacayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/1/2018 3:08 PM EST
Axad, July, 01, 2018 (HOL)-Ku xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Peter De Clerk ayaa sheegay in khilaafka ka taagan degaanka Tukaraq darteed ay u barakaceen dad ka badan 12 Kun oo qof.

7/1/2018 1:26 PM EST
Axad, July, 01, 2018 (HOL)-Shir uga socday beel ka mid ah beelaha Somaliland deegaanka Buurta Gacan libaax ee gobolka Saaxil ayaa maanta la soo gabogabeeyey, waxaana laga soo saaray qodobo.

7/1/2018 9:57 AM EST
Axad, July, 01, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad loogu dabbaal-dagayay sanad guuradii 58-aad ee kasoo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koofureed iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur taas oo ka dhacday Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir.

7/1/2018 8:24 AM EST
Axad, July, 01, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku eedeeyay Al-shabaab iyo Ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ah ee Daacish in ay dhibaatooyin badan ay ka waddaan Soomaaliya, kuwaasoo halis ku ah madaxbaanidda Soomaaliya.

7/1/2018 5:20 AM EST
Axad, July , 01, 2018 (HOL)–Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tiro madaafiic ah oo goor dhaw lagu weeraray xarunta ciidamada AMISOM ee Xalane ee degmada Wadajir.

7/1/2018 4:28 AM EST
Ciyaaraha Todobaadka Soomaalida ayaa shalay si rasmi ah uga furmay Magaaladda Minneapolis , ciyaarahaan ayaa waxaa ka qayb galaya 24 kooxood oo ka kala yimi gobolada Maraykanka iyo Canada.

7/1/2018 3:17 AM EST
Axad, July , 01, 2018 (HOL)–Koox hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe ku dilay magaalada Muqdisho oday dhaqameed ka mid ahaa ergadii soo dooratay xildhibaanada Golaha shacabka.

7/1/2018 2:15 AM EST
Axad, July , 01, 2018 (HOL)–Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya dibadbaxyo la xiriira maaalmaha xoriyada, gaar ahaan dabaal-dega munaasabada 1da Luulyo.

7/1/2018 2:00 AM EST
Axad, July , 01, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sannad-guurada 58-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed iyo israacii labada qeybood ee dalka, taasoo asaas u noqotay curashada Jamhuriyadda Soomaaliya.