4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 8 , 2018
Xaalada deegaanka Tukaraq oo degan iyo labada maamul Soomaaliland iyo Puntland oo ka hadlay

 

Isniin, Janaayo, 08, 2018 (HOL) -Dagaal xoogan oo ka dhacay magaalada Tukaraq oo 52Km. Bari Laascaanood uga beegan, ayaa deganaan laga soo sheegayaa iyadoo hadana aan laysku halayn Karin maadaama ay labada ciidan isu muuqdaan.

Ciidamada Somaliland ayaa fadhiisin cusub ka samaystay dhinaca bari ee Tukaraq oo toban sano xarun u ahayd maamulka Puntland Gobolka Sool, waxana dadka degaamkaasi noo xaqiijiyeen in ciidanku degan tahay tog ilaa afar KM u jira magaalada Hakka ciidamada Puntlandna aanay ka fogayn.

Labada dhinac waxaa la sheegayaa in ay xoojinayaan ciidamada ka jooga degaankaas, waxaana laga cabsi qabaa in markale ay is haleen saamayna ku yeeshaan Degaanka.

Dagaalkan saaka dhacay ayaan si rasmi ah loo ogayn khasaaraha gaadhey, iyadoo labada dhinacba ay sheegeen in aan khasaare soo gaadhin.

Dhinacyada dagaalku dhexmaray ayaa ka hadlay dagaalka, waxana dhinac kastaa ku eedeeyeen in dhulkoodii lagu haysto.

"Waxaa ay weerareen Madax dhaqameed, Garaad Jaamac Garaad Cali waxaa lagu weeraray Qoriley, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Tukaraq ayeey ku  weerareen" sidaana waxaa BBCda u sheegay Wasiirka Warfaafinta Somaliland C/raxmaan C/laahi Faarax, waxaanu raaciyey in Dawlada Federaalka iyo Puntland ay daandaansi wadaan, in degaan Somaliland leesahayna ciidamadoodu tageen ayuu qiray.

Wasiirka amniga Puntland, Axmed Cabdullahi Yuusuf ayaa layaab ku sheegay duulaanka ciidamada Somaliland xili ay mashquul ku ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya, xili ay waraysatay idaacada BBCda.

Lama saadaalin karo halka uu salka dhigi doono walow Somaliland mudo toban sano ah sadex jeer ay u guureen dhinaca Garoowe iyadoo maamulka Puntlandna aanay jawaab ka celin, iyadoo haatan ay kulaalayaan caasimada Puntland oo u jirya 75Km.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool