Al-shabaab oo sheegatay in weerar khasaare geystay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose
Isniin, Janaayo, 08, 2018 (HOL) – Xarrakada Al-shabaab ayaa sheegatay in
weerarro khasaare dhaliyay ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Gobolka
Shabeellaha Hoose.
Waxaa ay sheegeen in dagaalyahanno iyaga ka tirsan weerar ku ekeeyeen
deegaanka Golweyn ee duleedka degmada Buula Mareer, halkaasi oo ay ku
sugnaayeen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka.
Weerarkan ayeey Shabaab sheegeen in ay ku dileen laba Askari oo ka tirsanaa
ciidamada Millitariga Soomaaliya, kadibna ay qaateen laba Qori AK-47 ah,
inkastoo aysan jirin ilo madax banana oo xaqiijinaya sida dhabta ah ee halkaasi
ay wax uga dhaceen.
Dhinaca kale kale Ururka Al-shabaab ayaa
sheegtay Qarax ay la beegsadeen ciidamo ku sugnaa Kontaroolka degmada Afgooye
ee gobolka Shabeellaha Hoose in uu sababay dhimashada saddex Askari.
Marka laga soo tago sheegashada Al-shabaab ee
weeraradan khasaaraha geystay, ma jiro
dhinaca kale war ka soo baxay saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed
ee gobolka oo ka hadlaya arintan.
Gobolka Shabeellaha Hoose marka la eego waxaa joogta ka noqday dagaallada
dhaxmara ciidamada dowladda iyo Al-shabaab iyo qaraxyada lala eegto ciidamada
dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]