4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 7 , 2018
Soomaalida Minnesota oo u Dabaal Tagtay sii Daynta Max'ed Tiicey

Axad, Janaayo, 07, 2018 (HOL) –Jaaliyadda Soomaali ee gobolka Minnesota ayaa habeenimadii xalay isagu yimi kulan ay ku taageerayaan sii dayntii Madaxwaynahii Hore ee maamulkii Ximan Iyo Xeeb Maxamed Cabdulahi Adan Tiiceey oo laga sii Dayey Xabsi Ku yaal Bilgimka .

Kulankaan oo ay ka soo qaybgaleen dadwayne aad fara badan ayaa dhamaantood dadkii halkaan ka hadlay ay isla qireen in Maxamed Tiiceey uu ahaa shaqsi wax wayn ka qabtay nabadaynta Soomaaliya gaar ahaan gobolada dhaxe,

Max’ed Marteelo  Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Galmudug oo isaguna goobta ka hadlay  ayaa sheegay in shaqada uu galmudug ka hayo ay tahay mid ku timi waxqabadkii Tiicey oo uu sheegay in hadii uusan isagu u bareereen wax ka qabashada iyo nabadeenta  Cadaado aysan Rugta ganacsiga aysan maanta ka shaqayseen Galmudug.


Maxamed Cabdulahi Adaan Tiicey oo isaguna Goobta ka hadlay ayaa aad ugu mahadceliyey dadka Minnesota isagoo sheegay in taageeradooda ay aheed mid uu mar walba la socday dadaaladii ay geesteena ,mar uu ka hadlaayey eedayntii wax kama jiraanka  aheed ee loo haystay waxa uu ka yiri dal marka qof danbiile ah ay si daayaan isla markii dalkooda ayeey kasaaraan anigu habeenkii aan soo baxay aniga qareenadayda iyo kuwii I lahaa danbi baad gashay meelo isku dhow baan kawada casheenay, Tiiceey waxuu sheegay in lala xiray nin kale oo Soomaaliyeed waxa uu ug duceeyey goobta isagoo sheegay in gardaro lagu haysto wuuna aad uga xun yahay xariga Shaqsigaa.

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

Minneapolis ,Mn

[email protected]