4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 7 , 2018
Trump oo siweyn u beeniyay in Xanuun dhinaca Maskaxda ah uu qabo

 

Axad, Janaayo, 07, 2018 (HOL) – Madaxweyne Trump ayaa si xooggan u difaacay inuu caafimaad ahaan u qalmo inuu maamulo xafiiska uu ka taliyo, waxa uuna gaashaanka ugu daruuray buug dhawaan laga qoray oo isaga ku tilmaamaya inuusan maskax ahaan fadhiyin.

Shir jaraa'id oo uu qabtay ayuu Mr Trump ku tilmaamay qoraaga buuggaasi Michael Wolff inuu yahay nin musuq uu la dagay.

Fariimo xiriir ah oo uu bartiisa Twitterka soo dhigay ayuu Madaxweynaha waxa uu ku sheegay in labada shay ee uu hibada u leeyahay ay tahay degannaanshaha maskaxdiisa iyo inuu yahay nin caqli badan.

Hadallada Mr Trump ee buuggaasi ayaa waxa ay qariyeen shir uu ku qabtay Camp David oo looga xaajoonayay siyaasadihiisa sanadka soo socda.

Buugga Fire and Fury ayaa durbadiiba noqday buug si weyn loo iibsaday kaddib markii Jimcihii la soo bandhigay.

BBC


.