4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 7 , 2018
Wasaradda Diinta iyo Awqaafta dowladda federaalka oo War ka soo saartay arrimaha Xajka iyo Cimrada

 

Axad, Janaayo, 07, 2018 (HOL) - Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Awqaafta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay qorshe ay wax ugaga bedeleyso maamulka iyo arrimaha Xajka.

War ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in la bilaabayo oggolaanshaha shirkadaha ka shaqeeya arrimaha Xajka iyo Cimrada islamarkaana Wasaaradda waxa ay ku wargelisay in dhammaan shirkadaha daneynaya in ay ka shaqeeyaan Arrimaha Xajka iyo Cumrada in ay iska soo diiwaan galiyaan wasaaradda muddada udhaxeyso 07/01/2018 – 20/01/2018.

Akhriso War ka ka soo baxay Wasaaradda :

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

.