4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 7 , 2018
Dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray dulleedka degmada Balcad

 

Axad, Janaayo, 07, 2018 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaal xoogan galinkii danbe ee shalay uu ku dhex maray duleedka Waqoyi ee degmadaas ciidamada Militariga Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Dagaalka  ayaa bilowday kaddib markii weerar lagu soo qaaday ciidamo fariisin ka dhigtey Haan Sheekh oo qiyaastii 7km ka xigta dhinaca Waqooyi degmada Balcad. jira dhimasho iyo dhaawac hasse ahaatee sarkaal u hadlay ciidamada Milatariga ayaa sheegay in ay khasaare u geysteen kooxihii weerarka soo qaaday.

Wararku waxaa ay sheegayaan in uu jiro khasaare xoogan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, sida ay ku waramayaan dad goob joogayaal ah.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Ururka Al-Shabaab ee weerarkan soo qaaday,hasse ahaatee halka weerarka uu ka dhacay ayaa ah meel ay bishii aynu ka soo gudubnay ay Al-Shabaab ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidamada Milatariga oo ku sii jeeday magaalada Jowhar xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

.