4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 30, 2018
Guddoomiyaha hay’adda u diyaar garowga Aafooyinka oo ka hadlay abaaro dadka saameeyey

 

Talaado, Janaayo, 30, 2018 (HOL) - Gudoomiyaha hay’adda u diyaar garowga Aafooyinka iyo Kaydka cunadda qaranka Faysal Cali Sheekh ayaa sheegay in goboladda qaarkood ay ka jiraan abaar adag oo u baahan in loo gurmado.

Goboladda ay abaartu ka jirta waxay kala yihiin goboladda Awdal, Maroodi jeex, Saaxil, Togdheer, Sanaag iyo Sool ayaa laga soo sheegayaa in abaartu ka jirto balse lagu kala badan yahay.

Gudoomiyaha u diyaar garowga aafooyinka Faysal Cali Sheekh ayaa sheegay in boqolkiiba toddoba iyo afartan shacabka Somaliland ay saamaysay abaartu.

“xukuumadda Somaliland, hay;adaha Qaramadda Midoobay, hay'adaha caalamiga ah, hay’addaha islaamiga a, ganacsatadda h iyo dhamaan shacabka reer Somaliland waxaan baaq u dirayaa inay dadweynaha ay abaartu saamaysay ay usoo gurmadaan”ayuu yidhi Faysal Cali Sheekh.

Deegaanadda galbeedka Somaliland ayaa ugu daran oo abaar xoogani kajirta, waxaanay u muuqata mid uga sii gudbayso goboladda kale hadii aan degdeg loogu gurman ay saamayn doonto shacab aad u faro badan, waxaana illaa hadda warbixintu sheegaysa in milyan iyo badh qof ay saamaystay abaartan cusub ee hadda la soo sheegayaa.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.