Talaado, Janaayo, 30, 2018 (HOL) -
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda
Soomaaliya ay u sharaxan tahay xil ka mid ah xilalka Urur goboleedka IGAD.
Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Madaxda Midowga Afrika kala
hadlay sidii Soomaaliya ay u heli laheyd Xilka Xog-hayaha fulinta Urur
goboleed IGAD.
Wasiir Cawad ayaa sidoo kale xusay in dowladda Soomaaliya ay dadaal dheer ay
ku bixin doonto helidda xilkaasi.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in madaxweynahaa uu dalalka IGAD ka codsaday
helidda xilkaas maadaama Soomaaliya ay ku soo laabatay saaxadda siyaasadda Africa.
Madaxweynaha ayaa kula kulmay magaalada Addis Ababa qaar ka mid ah madaxda
qaarada Africa kuwaa oo ay ka mid ahaayeen madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar
Geelle, madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan
Al Bashiir, Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir Mayardit, Madaxweynaha
Ugaandha Yuweri Museveni, Madaxweyne
ku-Xigeenka Koowaad ee Burundi Gaston Sindimwo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam
Desalegn iyo madax ka socotay Midowga Yurub.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]