4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 29, 2018
Shan bilood kaddib Shilinka Soomaliga oo laga isticmaalayo Beledweyne

 

Isniin, Janaayo, 29. 2018 (HOL) – Ganacsato iskood isku xil qaadamay ayaa ku guuleystay magaalada Beledweyne in ay dib u soo celiyaan muddo Shan bilood ah kaddib isticmaalka lacagta Shilinka Soomaaliga, kaddib dhibaato weyn oo dhinaca nolasha ah oo lagala kulmo isticmaalka lacagaha leysaga gudbiyo Telleefoonka gacanta ee EVC Plus-ka.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeynte Cismaan oo maanta kormeeray suuqa sarifka lacagaha Qalaad ee magaalada Beledweyne ayaa ka sariftay lacag Shilin Soomaali ah.

Guddoomiyaha ayaa ku dhiiri-galiyay ganacstada isaga oo sheegay ka maamul canshuurta ku qaadan doonaan lacagta shilin Soomaaliga, sidoo kalana ku bixin doonaan sida uu hadalka u dhigay Mishaarka.

Isticmaal la’aanta Shilin Soomaaliga ayaa saameynta ugu weyn waxaa ay ku yeelatay dadka Masaakiinta ah ee Dawarsada oo waayadii ugu danbeeyay dantu ku qasabtay in ay adeegsadaan Telleefoonnada Ganacta madaama aysan jirin lacag shilin Soomaali ah.

Sababaha ugu waaweyn ee markii hore loo diidayay lacagtan ayeey ganacsatada ku micneeyeen in ay tahay mid Falso ah oo lagu soo farsameeyay qaar ka mid ah gobollada dalka.

Si shakigaa meesha looga saaro ayeey ganacsatada arintan u istaagtay bilaabeen in ay magaalada soo galiyaan Boqolaal Milyan oo lacagta laga isticmaalo Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho taasoo wax xoogaa soo celisay kalsoonidii bulshada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]