Xukuumadda Somaliland oo go’aamo ka soo saartay qiimo dhaca ku yimid Shiling-ka Somaliland
Isniin, Janaayo, 29,
2018 (HOL) – Xukuumadda Somaliland ayaa maalmihii
u dambeeyey ku hawlanayd sidii qiimo jabka ku yimid shilling-ka Somaliland kor
loogu qaadi lahaa, isla markaana gabi ahaanba loo joojin lahaa lacagta qalaad
ee dollarka ee Mobilidda lagu isticmaallo.
Labaddii
sanadood ee u dambeeyey ayaa sicir bararka xaga lacagta oo sababay qiimo dhac
weyn oo uu ku keenay shilling Somaliland, taas oo cidhiidhi galisay noloshii
danyarta.
Waayaddii
hore boqolka dollar waxa lagu sarifi jirey toddobo boqol iyo konton kun
oo Shiling Somaliland, halka uu maanta boqolkii dollar ka marayo Milyan iyo
labaatan kun oo Shiling Somaliland.
Waxaanay
xukuumadan cusub markiiba u saartay guddi soo baadha waxa sababay qiimo jabkan
ku yimid Shiling Somaliland, waxaanay kulamo la yeesheen jaamacadaha dalka iyo
shirkadaha saameynta ku leh dhaqaalaha ee lagu eedeeyo inay sabab u
yihiin, taasina waxay keentay in go’aamo laga soo saaro sidii lacagta wadanka
kor loogu qaadi lahaa.
Go’aamada
laga soo saaray oo aan wali si rasmiya loo shaacin oo nuqul ka mid ah ay heshay
HOL ayaa loo gudbiyey shirkadaha ganacsiga ee ay khuseyso si go’aankaasi u meel
mariyaan.
Qoraalada
shirkadaha loo gudbiyey waxa ka mid ahaa sidan:
Waxaanu
noo hirgashay inaanu arin muddo nagu daba dheeraatay Qodobo dhawr ah ka soo
saarno :
waana
arinta sixir bararka ka jira dalka :
1:
In Cashuurta laga qaado qaadka/jaadka wixii ka dambeeya 27/1/2018 laban
laab intii hore lagu cashuuro qaadka .
2:
In shirkadaha Isgaadhsiinta Zaad iyo Edahab Wax 100$ kayar lagu diri karin
Dhanka
kale shilin Somaliland ta waxba iskama badalin waa sidii horre .
3:
in Banka dhexe ee Soomaaliland gabi ahaanba sarifka lacagaha qalaad lawareegi
doono .
Sidoo
kale, waxa iyadana go’aan sidan oo kale ah loo gudbiyey shirkadda maamusha
Dekadda ee DP Wolrd oo lacagta ku kaydsan jirtay bangiyo gaarka loo leeyahay
ayaa amar lagu siiyey inay ku kaydsato lacagteedda Bangiga dhexe.
Go’aamadan
waxay si toos ah u taabanayaan shirkadaha Isgaadhsiinta ee Telesom iyo
Dahabshiil oo isagu isticmaala lacagta mobileka lagu shubto iyo sarifka
lafteedda, taas oo aanay ka raali ahayn balse lagu qasbay inay go’aankaasi
fuliyaan.
Sanadkii
hore bishan oo kale ayey xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo isla go’aamadan ka
soo saartay ay wax kaga qabanaysay sicir bararka, haseyeeshee waxa ka hor
yimid oo qaadacay shirkadaha waaweyn, kuwaas oo go’aankii xukuumadda
fashiliyey.
Haseyeeshee
xukuumadan cusub ayaa u muuqata inay shirkadaha ku qancisay inay fuliyaan
go’aamadan oo xal u noqonaya qiimo jabka shilling Somaliland.
Dhinaca
kale, waxa maalmahan cashuurtii lagu kordhiyey jaaadkii, taas oo kor u qaaday
qiimihii la kala siisanayey, waxaana arrintaasi aan wali ka hadal shirkadaha
Jaadka oo u arka in cashuur badan lagu soo rogay.
Sidoo
kale, shirkadda Telefoonada ayaa iyaguna ka gaws qaniinay go’aankan iyaga
saamaynaya oo ah in boqol dolar wixii ka yar aan mobilada lagu isticmaali Karin
lacag dolar ah, balse la isicmaalo lacagta wadanka.
Guud
ahaan shacabka Somaliland gaar ahaan danyarta ayaa soo dhoweeyey go’aamadan
sicir bararkii nolosha cidhiidhiga ah galiyey wax lagaga qabanayo.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland