4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 26, 2018
Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Itoobiya

 

Jimco, Janaayo, 26, 2018 (HOL) – Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibada  iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Isse Awad ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Addis Ababa dhiggiisa Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu.

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee u dhexeeya labada dal.

Amb. Ahmed Awad iyo Dr. Workneh Gebeyehu waxa ay si qotodheer u fallanqeeyeen arrimaha ammaanka, ganacsiga , maalgashiga iyo suuragalnimada xiriir furan oo u dhexeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Waxaa lagu wadaa in bisha March, 2018 markii ugu horreysay labada dowladood ay yeeshaan Guddi heer wasiir ah oo qaadaa-dhiga waxyaabo halbowle u noqon kara iskaashi sal adag oo labada dal ay yeeshaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]