Taabit oo magacaabay guddi ka shaqeeya xil wareejinta guddoonka gobolka Banaadir
Khamiis, Janaayo, 25, 2018 (HOL) – Guddoomayaha xilka laga qaaday ee gobolka
Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa maanta magacaabay guddiga xil-warerjinta.
Guddigan uu magacaabay Taabit Cabdi Maxamed Duqii hore ee Muqdisho ayaa waxaa
ay ka kooban yihiin Saddex iyo Toban xubnood oo isugu jira Rag iyo Dumar,
kuwaasi oo diyaarinaya munaasabadda xil wareejinta.
Waxaa xilka wareejin doona guddoomiyihii Taabit Cabdi Maxamed iyo ku-
xigeenadiisa sida; Arrimaha Amniga & siyaasadda , Arrimaha Bulshada,
Maamulka iyo Maaliyadda iyo Xog-hayaha Guud ee Gobolka Benaadir.
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar
Cusmaan (Eng. Yariisow) iyo ku xigeenadiisa ayaa xilka la wareegi doona,
kuwaasi oo Axadii ina dhaaftay uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed
(Farmaajo).
Guddoomiyaha cusub iyo ku xigeenadiisa ayaa waxaa horyaalla shaqooyin fara
badan oo ku saabsan Gobolka Banaadir, iyada oo shacabka Muqdisho ay isha ku
hayaan Maamulka cusub.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]