4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 24, 2018
Xaaf oo mar kale wax laga weydiiyay sababihii uu sanadkii hore u tagay Imaaaraadka

 

Arbaco, Janaayo, 24, 2018 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo la hadlay VOA ayaa ka warbixiyay ujeedadii ka dambeysay socdaalkii uu sanadkii hore ku tagay dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta, xilligii ay soo baxday khilaafkii dalalka Khaliijka ee sababtay in xiriirka loogu jaro Qatar.

“Khaliijka sidii aan u aaday iyo sidii loo fahmay baa kala duwanaa, Anigu waxaan u aaday maadaama gobolkayaga aanay waxba may tarin, sanadihii horena ay Gobolada kale wax tareen oo kale ayaa rabay inay anagana wax na taraan oo ciidamada noogu dhisaan xarumo iyo iskuulo inay nooga dhisaan degmooyinka. Shaqo badan bay ka qabteaan gobolada kale, gaadiid bay siiyaan, anagu marka waan qatanayn”ayuu yiri Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Xaaf ayaa mar kale ku celiyay in Imaaraadka Carabta uu u tagay sidii galmudug ay u siin lahaayeen taageero la mid ah middii ay siiyeen maamul goboleedyada kale ee dalka ka dhisan.

“Anigu meesha waxaan u aaday wax kale ma ahanee, waxay ahayd anagu waan qatanahayee dee qaybkayagii na siiya, gobolada kale wax waa sii seynee”ayuu yiri.

Madaxweyne Xaaf ayaa markii uu tagay Imaaraadka Carabta soo saaray qoraal uu ku taageerayo Isbaheysiga Sacuudiga iyo Khaliijka, kagana horyimid mowqifkii dhex dhexaadnimada ee dowladda Federaalka ka qaadatay khilaafka Khaliijka, waxaana taasi ay horseeday xiisad siyaasadeed oo lagu khal khal geliyay xilkiisa, isla markaana Maamulka Galmudug ay gashay qalaase siyaasadeed.

Xaaf ayaa sheegay in uu dhamaaday khilaafkii isaga iyo dowladda Federaalka ee ka dhashay tagitaankiisii sanadkii hore ee Imaaraadka carabta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]