4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 19, 2018
Ra’iisal wasaare Kheyre oo ka hadlay maxaabiis dib loogu soo celiyay dalka

 

Jimco, Janaayo, 19, 2018 (HOL) – Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqidsho caasimadda Soomaaliya waxaa maqribnimadii caawa ka soo degtay Diyaarad gaar ah oo siday Maxaabiis Soomaaliyeed oo laga keenay dalka Hindiya.

Maxaabiistan Soomaaliyeed oo tiradooda ay gaareyso 41 ayaa waxaa dalka Hindiya kala yimid Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Safiirada Soomaaliya ee dalka Hindiya iyo xubno kale.

Garoonka diyaaradaha Maxaabiista Soomaaliyeed waxaa ku soo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, guddoomiye ku xigeenka labaad ee Mahad Cabdalla Cawad, Wasiirka Amniga, Wasiirka Cadaaladda, Wasiirka Caafimaadka, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo warbaahinta kula hadlay Garoonka ayaa sheegay in caawa ay tahay guul kale oo u soo hoyatay Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in dalkooda hooyo ay ku soo dhaweynayaan Maxaabiistan.

“Waxaan caawa Muqdisho ku soo dhaweynay 41 Maxaabiis Soomaaliyeed ah, oo mudo ku xirnaa dalka Hindiya, 76 kale ayaa dhiman iyaguna bisha Febraayo ayay dalka imaan doonaan, sida aan ku heshiinay dowladda Hindiya, dowladdu sidoo kale waxay wadaa dadaal ku aadan sidii loo deyn lahaa Maxaabiista kale ee ku xiran wadamada kale.” Ayuu yiri Khayre.

Dhalinyaradan Soomaaliyeed ayaa dalka Hindiya waxaa lagu xiriray sanadkii 2011-kii, kuwaasi oo ilaa waqtigaas ahaa Maxaabiis xaaldooda ay aad u liidato, balse waxay danaynayeen in mar qura ay arkaan iyagoo jooga dhulkooda Hooyo, tii ayaana dhacday maanta, kadib dadaal dheer oo ay bixisay Dowladdan hada jirta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]