Jimco, Janaayo, 19, 2018 (HOL) – Booliiska Maraykanka
waxa ay xireen labo wiil oo yaryar, kuwaas oo la sheegay in ay u dhaceen beer
shinni ah, burburiyeen, kadibna laayeen illaa Nus malyuun Shinni ah oo halkaasi
malab ku dhalinayay.
Wiilashan ayaa burburiyay illaa 50 weel oo shinnida ay
malabka ku dhalaysay, taasna waxa ay keentay in nus malyuun shinni ay qaboow u
dhintaan beer ku taala magaalada Sioux.
Qasaaraha ka dhashay falkan ayaa waxa uu dhanyahay
$60,000 doolar sida ay sheegeen mulkiilayaasha.
Engelhardt iyo
xaaskiisa oo ka mid ah mulkiilayaasha ayaa sheegay in wiilasha ay galeen
beerta, kadibna ay burburiyeen wax kasta oo meesha yiilay, mana jirin wax la
xaday.
Arrintan ayaa soo jiidatay dareenka warbaahinta dalkaas,
iyada oo markii dambe booliiska ay soo heleen dadkii ka dambeeyay falka oo ahaa
labo wiil oo yaryar.
Olole xagga internetka ah ayaa qoysaska dhibaatada
gaartay loogu yaboohay lacag dhan $30,000 doolar, walina yabooha waa uu sii
socdaa.
Wiilashada ayaa lagu soo oogey dacwado kala ah burburin
hanti, wax yeeleyn beeraha, iyo dhac.
BBC