4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 13, 2018
Madaxweyne Farmaajo : Gaalkacyo waa in ay noqotaa halka ay ka bilaabaneyso dib-u-heshiisiinta Soomaaliya

 


Sabti, Janaayo, 13, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo meel fagaaro ah kula hadlayay Kumannaan shacabka reer Gaalkacyo ah ayaa sheegay in socdaalkiisa uu ugu magacdaray ‘’Socdaalkii Dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed’’

Madaxweynaha ayaa gaar ahaan sheegay in uu doonayo in Gaalkacyo noqoto halka ay ka bilaabaneyso dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

Dadkii ka soo qeybgalay soo dhaweynta oo isaga kala yimid guud ahaanba xaafaddaha ay Gaalkacyo ka kooban tahay ayaa ku qeylinayay erayo ay ku soo dhaweynayaan wafdiga uu horkacayo madaxweyne Farmaajo.

Ciidamada labada maamul ayaa sidoo kale si wadajir ah uga qeyb-qaadanayay sugida Amniga magaalada oo muddo dheer soo martay dagaaalo u dhaxeeyay labada maamul Puntland iyo Galmudug.

Berri ayaa lagu wadaa in uu u gudbo madaxweynaha Koofurta Gaalkacyo, halkaasoo la sheegay inuu joogi doono ilaa habeen dambe, ka hor inta uusan Isniinta u ambabixin magaalada Cadaado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]