3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 13, 2018
Madaxweynaha Soomaaliya oo ku amaanay Ganacsatada kaalinta ay ku leeyihiin hormarka dalka

 

Sabti, Janaayo, 13, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Boosaaso  ee xarunta Gobolka Bari ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay hoggaanka dhaqanka iyo Ganacsatada Gobolka.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Ganacsatada kaalinta ay ku leeyihiin horumarka dalka, caqabadaha ku xeeran ganacsiga iyo qorsheyaasha ku aaddan qaabeynta iyo horumarinta fursadaha ganacsi ee dalka.

Ganacsatada ee uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa soo bandhigay sida ay uga go’antahay in ay kaalin mug leh ka qaataan qorsheyaasha lagu hormarinayo dalka, iyagoona xaqiijiyey in ay markasta garab taaganyihiin dowladdooda si looga gudbo waqtiyadii muragada badnaa ee soomaray shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliya kaalinta qiimaha badan ee ay ka qaateen samata bixinta dalka muddadii bur burka, waxa uuna ugu baaqay in ay sii laba laabaan dadaalkooda si loo xaqiijiyo hiigsiga ku saleysan Soomaaliya nabad ah, dadkeeduna nolol wanaagsan ay heystaan.

Intaas kaddib, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xarigga ka jaray dhismaha xafiisyada Shirkadda isgaarsiinta Golis oo ah dhismaha ugu dheer ee laga hirgeliyey magaalada Boosaaso. Sidoo kale waxa uu daah-furay adeegga Internetka ee xawaarehiisu sarreeyo (Fiber Optic) oo markii ugu horreysay laga hirgelinayo deegannada Puntland.

“Farxad weyn ayey ii tahay in aan idin kala soo qeyb galo maalgashigan aad ku sameyseen dalkeenna. Waxaa xaqiiqo ah in adeegyadan iyo horumarkan ay ka tarjumayaan dadaalka iyo hor u socdka ganacsatada Soomaaliyeed” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxa uu kormeeray qaybo ka mid ah suuqyada magaalada Boosaaso iyo goobaha loo nasasho tago isagoona ka soo dukaameystay goob ganacsi oo ku taalla bartamaha magaalada Boosaaso.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
1/13/2018 11:16 AM EST
Sabti, Janaayo, 13, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo meel fagaaro ah kula hadlayay Kumannaan shacabka reer Gaalkacyo ah ayaa sheegay in socdaalkiisa uu ugu magacdaray ‘’Socdaalkii Dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed’’

1/13/2018 9:02 AM EST
Sabti,January 13,2018 (HOL)- 12 ka mid ah golaha wasiiradda cusub ee Somaliland ayaa maanta ansixiyeen xildhibaanada golaha Wakiiladda Somaliland, waxaana loo sameeyey jad wal ay saddexda cisho ee soo socda marba koox loo hor keeni doonno golaha.

1/13/2018 8:56 AM EST
Sabti, Janaayo, 13, 2018 (HOL)–Haweenka dalka Sacuudiga ayaa marki ugu horreeysay Jimcihii shalay loo ogolaaday in ay si toos ah garoomada uga daawadaan ciyaaraha kubadda cagta.

1/13/2018 8:46 AM EST
Sabti, Janaayo, 13, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

1/13/2018 5:57 AM EST
Sabti, Janaayo, 13, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in goor dhaw Xabsiga laga sii daayay guddoomiyaha guddiga doorashada madaxa-bannaan ee heer Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey)

1/13/2018 1:14 AM EST
Sabti, Janaayo, 13, 2018 (HOL)–Magaalooyinka Toronto iyo Ottawa ee dalka Canada ayaa lagu qabtay kulan ballaaran oo ay ka soo qeybgalleen Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan labadaasi magaalo oo dhaqaale loogu Uruurinayay dib-u-dhiska Waddada isku xirta magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo.

1/13/2018 1:08 AM EST
Sabti, Janaayo, 13, 2018 (HOL)– Midowga Afrika ayaa ugu baaqay Madaxweyne Donald Trump inuu ka laabto hadal gaf ahaa oo la sheegay inuu u adeegsaday wadammada Afrika islamarkaana uu raaligelin hadalkaasi ka bixiyo.

1/13/2018 12:25 AM EST
Sabti, Janaayo, 13, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si buuxda u sheegay in dowladdau ku guuleystay in Boqollaal Soomaali ah laga sii daayo Xabsiyada dalka Indin, dhawaanna la filayo in ay dalka dib ugu soo laabtaan.

1/13/2018 12:06 AM EST
Sabti, Janaayo, 13, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlayay munaasabad sagootin ah oo loogu sameeyay magaalada Boosaaso ayaa soo hadal qaaday is qabqabsiga siyaasadeed ee dalka ka jira.