2/22/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 12, 2018
Guddoomiyihii guddiga doorashada madaxa-bannaan oo lagu xiray Dhuusa-Mareeb


 

Jimco, Janaayo, 12, 2018 (HOL)– Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca halkaa ku xireen guddoomiyihii guddiga doorashada madaxa-bannaan Xaliimo Ismaaciil ( Xaliimo Yareey)

Gadiid ay la soctay guddoomiyaha oo ka anbaxay degmada Guri-ceel ayaa lagu joojiyay Koontaroolka laga-galo degmada Dhuusa-mareeb kaddibna la xiray iyada iyo shaqaalihii guddiga ee la socday.

Saraakiil ka tirsan maamulka Ahlu Sunna oo la hadlay VOA ayaa beeniyay in la xiray guddoomiye Xaliimo Yareey, laakiin waxaa ay sheegeen in cid kasta oo soo galeysa degmada baaritaan lagu sameeyo.

Ilo madaxa-bannaan ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadu xabsiga dhigeen guddoomiyaha guddiga doorashada madaxa-bannaan iyo xubno ka tirsan guddiga, waxaana hubkii ay wateen laga qaaday ilaaladii la soctay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]





Click here
1/12/2018 10:04 AM EST
Jimco, Janaayo, 12, 2018 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

1/12/2018 9:25 AM EST
Jimco, Janaayo, 12, 2018 (HOL) - Prof Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah mudanayaasha ugu waqtiga dheer barlamaanka Somalia , islamaraana horey u soo noqday gudoomiye ku xigeenkii labaad ee barlamaanka dalka dowlad-dii madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa kula kulan-nay hoyga uu ka dagan-yahay magaalada Muqdisho ee caasimad-da Somalia.

1/12/2018 7:52 AM EST
Jimco, Janaayo, 12, 2018 (HOL) - Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Mohammed Guleed (Khadar) iyo wefti uu hogaaminaayo oo maalin ka hor gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa maanta heshiis la saxiixday Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Turkiga.

1/12/2018 5:50 AM EST
Jimco, Janaayo, 12, 2018 (HOL) - Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ee UNICEF ayaa Khamiistii sheegtay in 21 degaan oo ku yaallay duleedka Muqdisho, oo hoy u aheyd dad ka badan 4,000 oo qoys la burburiyay, hadana dadkaasi ay yihiin kuwo xaalad adag ku jira.

1/12/2018 4:48 AM EST
Jimco, Janaayo, 12, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo aya sheegaya in halkaa uu dagaal ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Kenya.

1/12/2018 4:35 AM EST
Jimco, Janaayo, 12, 2018 (HOL) - Dowladda Qatar ayaa cabasho ka dhan ah Imaaraadka Carabta u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, iyadoo ku eedeysay inay ku soo xadgudubtay hawadeeda.

1/12/2018 1:07 AM EST
Jimco, Janaayo 12, 2018 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maalintii shalay dib ugu laabtay magaalada Cadaado ayaa sheegay in madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo wafdigiisa ku soo fool leeyihiin sida uu hadalka u dhigay deegaannada Galmudug.

1/12/2018 12:59 AM EST
Jimco, Janaayo 12, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay Guri ku yaalla degmadaasi uu ka dhex dhacay Qarax siweyn looga maqlay inta badan xaafaddaha degmada.

1/12/2018 12:50 AM EST
Jimco, Janaayo 12, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha guddiga doorashada madaxa-bannaan ee heer Qaran Xaliimo Ismaaciil ( Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay in todobaadka danbe War ka soo saarayaan go’aanka Maxkamada Sare ay ku joojisay dib u soo doorashada Kuraasta ka bannaan Golaha shacabka.