11/19/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 12, 2018
Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis dhinaca Ganacsiga ah


 

Jimco, Janaayo, 12, 2018 (HOL) - Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Mohammed Guleed (Khadar) iyo wefti uu hogaaminaayo oo maalin ka hor gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa maanta heshiis la saxiixday Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Turkiga.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa wafdigiisa waxa ay ka kooban yihiin 13 xubnood oo ka socda Sedex iyo toban wasaradood iyo Afar wasiir  oo uu ugu horeeyo wasiirka cusub ee Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,

Mahdi Mohammed Guleed Khadar Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka iyo wafdigiisa ayaa waxa ay Magaalada Ankara uga qeyb gaeen shirka Iskaashiga Ganacsiga Soomaaliya iyo Turkey-ga oo markii ugu horreysay ka dhacay dalka Turkey.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka  Soomaaliya iyo dhigiisa dalka turkiga ayaa maanta kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga ganacsiga labada dowladood, waxaana goobjoog ka ahaa masuuliyiin labada dowladood ka kala tirsan.

Heshiiskan iskaashi ayaa dhigaya In Soomaaliya suuq ku yeelato Turkiga si Ganacsiga Soomaaliya loo gaarsiiyo Yurub iyo Asia Sidoo kale Turkiga waxay qaadan donaan oo Suuq u yeeli donaan Khayraadka Somalia sida Kaluumaysiga, Beeraha iyo xoolaha.

Turkiga waxay iibsan doonaan oo ay la wareegi doonaan Mooska, Liinta la qalajiyay, Sisinta iyo Kaluunka waxaana heshiiskan kala saxiixday labada Ra’iisal Wasaare ku xigeen ee Soomaaliya iyo Turkiga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]







Click here
1/12/2018 11:10 AM EST
Jimco, Janaayo, 12, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca halkaa ku xireen guddoomiyihii guddiga doorashada madaxa-bannaan Xaliimo Ismaaciil ( Xaliimo Yareey)

1/12/2018 10:04 AM EST
Jimco, Janaayo, 12, 2018 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

1/12/2018 9:25 AM EST
Jimco, Janaayo, 12, 2018 (HOL) - Prof Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah mudanayaasha ugu waqtiga dheer barlamaanka Somalia , islamaraana horey u soo noqday gudoomiye ku xigeenkii labaad ee barlamaanka dalka dowlad-dii madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa kula kulan-nay hoyga uu ka dagan-yahay magaalada Muqdisho ee caasimad-da Somalia.

1/12/2018 5:50 AM EST
Jimco, Janaayo, 12, 2018 (HOL) - Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ee UNICEF ayaa Khamiistii sheegtay in 21 degaan oo ku yaallay duleedka Muqdisho, oo hoy u aheyd dad ka badan 4,000 oo qoys la burburiyay, hadana dadkaasi ay yihiin kuwo xaalad adag ku jira.

1/12/2018 4:48 AM EST
Jimco, Janaayo, 12, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo aya sheegaya in halkaa uu dagaal ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Kenya.

1/12/2018 4:35 AM EST
Jimco, Janaayo, 12, 2018 (HOL) - Dowladda Qatar ayaa cabasho ka dhan ah Imaaraadka Carabta u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, iyadoo ku eedeysay inay ku soo xadgudubtay hawadeeda.

1/12/2018 1:07 AM EST
Jimco, Janaayo 12, 2018 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maalintii shalay dib ugu laabtay magaalada Cadaado ayaa sheegay in madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo wafdigiisa ku soo fool leeyihiin sida uu hadalka u dhigay deegaannada Galmudug.

1/12/2018 12:59 AM EST
Jimco, Janaayo 12, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay Guri ku yaalla degmadaasi uu ka dhex dhacay Qarax siweyn looga maqlay inta badan xaafaddaha degmada.

1/12/2018 12:50 AM EST
Jimco, Janaayo 12, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha guddiga doorashada madaxa-bannaan ee heer Qaran Xaliimo Ismaaciil ( Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay in todobaadka danbe War ka soo saarayaan go’aanka Maxkamada Sare ay ku joojisay dib u soo doorashada Kuraasta ka bannaan Golaha shacabka.