4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 11, 2018
Wasaaradda Amniga oo cafis sharuud ku xiran u fidisay siyaasiyiinta mucaaradka

 

Khamiis, Janaayo, 11, 2018 (HOL) - Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa sheegtay in cafis sharuud ku xiran u fidineyso siyaasiyiinta mucaaradsan dowladda Soomaaliya.

Cabdiciis Xildhibaan afhayeenka oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in dowladda Soomaliya ay cafis u sameyneyso siyaasiyiin dowladda ugu eedeysan Qaran dumis, haddii ay joojiyaan dhaqankooda la xiriira wax duminta iyo baabi’inta rajada shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in hay’adaha ammaanka ee dowladdu ay isku afgarteen in siyaasiyiintan lala xisaabtamo haddii ay dhacdo in mar kale ay soo celiyaan falka hadda ay ku eedeysnayeen.

Afhayeenka Wasaaradda amnigu ma sheegin magacyada siyaasiyiintan uu sheegay in dowladdu ay cafiska fidineyso.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaan weli ka jawaabin cafiska shuruudeysan ee dowladdu u fidisay waxaana dad badan ay aaminsan ineysan soo dhoweyn doonin oo ay halkooda ka sii wadi doonaan waxyaabaha ay dowladu ku dhibsatay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]