Dowladda oo hergalisay xarunta ka hortaga Xag-jirnimada iyadoo la adeegsanayo Internet-ka
Khamiis, Janaayo, 11, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu
horeysay magaalada Muqdisho hergalisay xarun dhalinyarada looga wacyi-galinayo
ku biirista kooxaha Xag-jirka sida Al-shabaab iyo Daacish, iyadoo la
adeegsanayo Internet-ka
Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo xarunta
Daahfurtay ayaa sheegtay in ay soo gudbin doonto fariimo ay dhalin yarada kaga wacyigelineyso ku biirista
ururka al-Sshabab, isla markaana ay ku hoga tusaaleyneyso faa’idooyinka
dowladnimada, nabadda iyo horumarka.
Olalahan Wacyigalinta ah
ayaa ka bilaaban doona baraha Internetka sida Facebooka, You Tube, Twitter –ka iyo
warbaahinta qeybaha kale iyadoo la dhiirigalinayo xasiloonida iyo nabad-galyada guud ahaan
wadanka.
Wasiirka Wasaaradda
Warfaafinta Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa sheegay in xaruntan si
gaar ah u bartilmaameedsan doono Al-shabaab oo lagu soo bandhigayo dhibta iyo
carqalada ay ku hayaan nabada iyo xasiloonida dalka.
"Tani
waxay fursad u noqon doontaa in ay gacan ka geysato guud ahaan nabadda iyo
xasilloonida Soomaaliya," ayuu yiri Cabdiraxmaan Yuusuf al-Adala,
agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya "Waxaan
siin doonaa macluumaad sax ah oo faa'iido leh dadka dhalinyarada ah, taas oo ka
dhigeysa in ay fahmaan faa'iidooyinka hay'adaha dimuqraadiga ah ee Soomaaliya."
Waa xaruntii ugu horeysay ee nooceeda ah ee laga
hergaliyo dalka Soomaaliya, waxaana ay dowladdu sheegtay in dagaalka Al-shabaab uu ku fileyn uu ku fileyn oo dagaal iyo xaalad militari.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]