4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 10, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Qardho


Arbaco, Janaayo, 10, 2018 (HOL) – Kumannaan shacab ah oo isaga kala yimid qeybaha kala duwan ee gobolka Karkaar ayaa magaalada Qardho soo dhaweyn ballaaran ugu sameeyay maanta wafdiga uu horkacayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku maraya Puntland.

Socdaalka madaxweynaha oo ahaa safar dhulka ah ayaa ka soo bilaawday magaalada Garoowe, isaga oo soo maray deegaanno dhowr ah ka hor inta uusan tagin magaalada Qardho oo ay ku sugayeen dadweyne labadii cisho ee la soo dhaafay u diyaar ahaa soo dhaweyntiisa.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ay is arkeen wafdiga madaxweynaha ayaa u sameeyay soo dhaweyn hab maamuus dhaqan leh, waxaana uu halkaa ku guddoonsiiyay madaxweyne Farmaajo dharka Hidaha iyo Dhaqanka ‘’ Bilid, Go’shaal, Goofiyad iyo Faras ’’ waxaana uu uga mahad celiyay booqashadiisa Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka reer Karkaar kula hadlay madaxtooyada Qardho, waxaana uu uga mahad celiyay sidii loo soo dhoweeyay.

Ka hor inta uusan soo gaarin magaalada Qardho waxaa uu Farmaajo dhagax dhigay waddo Laami ah oo isku xiri doonta deegaannada Dan-Goronyo iyo Eyl, waxaana waddadaa dhisaya shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha.

Booqashada Qardho ayaa la filayaa in uu madaxweynuhu uga sii gudbo dhinaca magaalada Boosaaso oo ah magaalada Ganacsiga deegaannada Puntland oo idil isaga oo booqan doona dekedda Boosaaso oo ah Ilo dhaqaalle oo weyn.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]