Madaxweyne Muuse Biixi oo la kulmay Ergayga Xoghayaha Qaramadda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya
Arbaco,January 10,2018 (HOL)-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley
ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha guud ee qaramadda
midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Michael Keating iyo wefti
uu hogaaminayo.
Shirkaasi markii uu dhamaaday
waxa warbaahinta la hadlay wasiirka Arrimaha Dibadda Dr:Sacad Cali Shire iyo
Amb. Michael Keating oo ah ergayga UN-ta
u qaabilsan Soomaaliya.
“waxa waxa halkan inoogu yimid
Michael Keating oo ah ergayga gaar ah ee xoghayaha qaramada midoobay u
qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya,
waxa uu la kulmay madaxweynaha, waxaanay ka wada hadleen waxyaalo faro badan oo
la xidhiidha shaqada iyo iskaashiga ka dhexeeya, waxaana ka mid ah siyaasada,
dimuqraadiyadda, nabadda, dhaqaalaha, cumaawimadda.”ayuu yidhi Shire
Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi
hadlay ergayga gaar ah ee xoghayaha qaramadda midoobay u qaabilsan Soomaaliya
Michael Keating, waxaanu sheegay inay madaxweynaha ka wada hadleen arrimo
dhinaca siyaasada, dhaqaalaha, shaqo abuurka dhalinyaradda iyo arrimo kale.
“madaxweynaha iyo xukuumadda
waxaan ka wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin nabadgalyadda,
dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dhalinyaraddda, waana ku hambalyeeyey shacabka
Somaliland doorashaddii ay sanadkii hore galeen ee ay madaxweynaha cusub ku
doorteen”ayuu yidhi ergayga xoghayaha guud ee UN-ta Keating.
Waxa kale oo wax laga waydiiyey
xiisadda ka taagan goboladda Bariga ee u dhexeysa Somaliland iyo maamulka
Puntland, waxaanu sheegay in aanu dagaal xal ahayn ee loo baahan yahay in laga
wada hadlo waxyaalaha dhibaatadda keenaysa.
“ waa in labadda dhinac wada
hadal ka galaan xiisadda taagan, xal maaha in dagaal iyo militari la adeegsadaa
waana in si degdeg ah uga wada hadlaan
In aanay dhibaato dhicin”ayuu yidhi Keating oo ka hadlayey xiisaaddii maalmihii
dhowaa ka dhacay Tuka raq ee Somaliland iyo Puntland iskaga hor yimaadeen.
Waxa kale oo wax laga waydiiyey
khilaafka ka taagan maamulka hawadda sare, waxaanu sheegay in loo baahan yahay
in labadda dhinac ee hawadda isku hayaa la yimaaddaan hab ay labaduba ku
guulaysan karaan oo midna aanu ku khasaarin, taasina ay imanayso in laga wada
hadlo waxyaalaha la isku hayo.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.