3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 10, 2018
Mahiigaan iyo dhul soo go'ay oo 13 ruux ku dilay California

 

Arbaco, Janaayo, 10, 2018 (HOL) – Daadad iyo dhul go'ay ayaa saameeyay deegaannadii uu burburiyay dabkii kaymaha ka soo kacay bishii hore, waxayna gooyeen in kabdan 30km oo ka mid ah jidka wayn ee halbawlaha u ah xeebta gobolka California ee dalka Maraykanka.

Shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa sheegay in ay jiraan tiro dad ah oo aan wali meelna lagu ogayn, waxyna rajaynayaan in dhimashadu ay intaas ka sii korodho.

Kumannaan dad ah ayaa daadadka ka firxaday, ilaa 50 hawlgal oo samato bixin ahna ayaana la sameeyay.

Goobaha ay dhibaatada ugu badan ka dhacay waa kuwii aan daad guraynta laga samaynin, sida ay saraakiishu sheegeen.

Roobab mahiigaanno ah ayaa sababay in dhiiqo ay ku rogmato Montecito, guryaha qaarkoodna waxaa u soo ruqay aas aaskii, sida uu sheegay Mike Eliason oo ah afhayeenka waaxda dabdamiska ee deegaanka Barbara County.

Dhagaxaan la eg gawaarida yaryar ayaa ka soo daatay buuraha hareerahooda waxayna jareen waddooyinka, sida uu ku soo warramayo wariyaha BBC ee Los Angeles James Cook.

Dadka goobaha ammaanka ah loo daad gureeyay waxaa ka mid ah gabadh 14 jir ah oo saacado ku go'doon sanayd gurigooda oo mahiigaan ku da'ay.

Waaxda dabdamiska ayaa soo bandhigay sawirka gabadha oo ay dhiiqo ka saarayaan sidaasna ku badbaadiyeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
1/10/2018 3:04 PM EST
Arbaco, Janaayo, 10, 2018 (HOL) – Kumannaan shacab ah oo isaga kala yimid qeybaha kala duwan ee gobolka Karkaar ayaa magaalada Qardho soo dhaweyn ballaaran ugu sameeyay maanta wafdiga uu horkacayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku maraya Puntland.

1/10/2018 8:22 AM EST
Arbaco,January 10,2018 (HOL)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha guud ee qaramadda midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Michael Keating iyo wefti uu hogaaminayo.

1/10/2018 7:55 AM EST
Arbaco, Janaayo,10,2017 (HOL)-Safiirkii Soomaaliya ee Iskutaga Imaaraadka Carabta C/qaadir Shiikheey ayaa munaasabad ka dhacday magaalada Abu Dubai waxaa uu xilkii safaarada si ku-meel-gaar ah ugu soo wareejiyay Axmed Ducaale Maxamed.

1/10/2018 6:08 AM EST
Arbaco, Janaayo, 10, 2018 (HOL) – Iyadoo dhawaan Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha lagu sheegay in la soo afjaray Khilaafkii u dhaxeeyay Rugta Ganasiga ayaa waxaa arintaa ka hadlay Guddoonka sare ee Rugta Ganacsiga oo ka hor yimid qoraalkii horey uga soo baxay wasaaradda.

1/10/2018 4:11 AM EST
Arbaco, Janaayo, 10. 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw dhax dhigay waddo Laami ah oo isku xirta deegaannada Dan-Goronyo iyo Eyl sida uu ku soo waramayo Wariyaheena Ibraahim Baafo oo ka mid ah wariyayaal la socda wafdiga madaxweynaha.

1/10/2018 3:37 AM EST
Arbaco, Janaayo, 10. 2018 (HOL) -Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ka walaacsan collaadaha ka soo aloosmay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa ku baaqaysa in dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq ay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah u joojiyaan dagaalka.

1/10/2018 1:43 AM EST
Arbaco, Janaayo, 10, 2018 (HOL) - Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Garowe ee xaruunta dowlad goboleedka Puntland ayaa la kulmay will da’yar oo aftahan ah si weyna u taageeray markii la doortay madaxweyne Farmaajo bishii Feb 8 ee sannadkii la soo dhaafay.

1/10/2018 12:52 AM EST
Arbaco, Janaayo, 10, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga la socda oo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Garoowe ayaa goor dhaw u dhaqaaqay dhinaca magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.

1/10/2018 12:39 AM EST
Arbaco, Janaayo, 10, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa gaaray caasimada dalka Masar ee Qaahira isagoo halkaas kula kulmi doona dhigiiisa dalka Masar Abdel-Fattah al-Sisi.

1/10/2018 12:32 AM EST
Arbaco, Janaayo, 10, 2018 (HOL) – Shirka Wasiiradda Qorsheynta ee Wadamada Carabta ayaa maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in uu ka furmo dalka Kuwait.

1/10/2018 12:14 AM EST
Arbaco, Janaayo, 10, 2018 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay xiisada u dhaxeysa Maamulka Puntland iyo Somaliland, taasi oo dhowaan soo xoogeysatay, kadib markii Ciidamo ka kala tirsan labada maamul ay ku dagaalamaneen degaanka Tukaraq.