Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay ciidamada uu tababaro Imaaraadka iyo duqeymaha Mareykanka
Jimco, Feberaayo, 09, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay ciidamada uu Imaaraadku tababaray
ee ku sugan xero ku taala magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in ciidamadaasi
yihiin kuwo mishaaraadkoodu bixiyaan Imaaraadka.
Madaxweynaha ayaa inta a ku daray in ciidamadaasi ka tirsan
kuwa dowladda Soomaaliya, dhawaanna loo isticmaali doono howlgalada ka dhanka
ah Ururka Al-shabaab.
Dowladda ayaa lagu eedeynayaa in aysan ka warqabin ciidamadan oo dadka dhaliila dowladda tilmaamaayaan in ay yihiin kuwo si gaar ah Imaaraadku ugu fushadaan danahooda gaarka ah, waxaana lagu eedeynayaa in ay ka danbeeyeen weerarkii ugu danbeeyay ee lagu qaaday Guriga Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid
Dhinaca kale madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday duqeymaha
Diyaaradaha Mareykanka ay marwalba ka fuliyeen Gobolada dalka soomaaliya gaar
ahaan deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa sheegay in duqeymaha Mareykanka uu ka
fuliyo Soomaaliya lasii ballaarin doono maadaama Al-Shabaab aan looga adkaan
Karin in dhulka kaliya lagala dagaalamo ayuu yiri Madaxweynaha.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Saraakiisha Mareykanka uu
kala hadlay in ay bartilmaamedsadan kaliya Goobaha ay ku sugan yihiin
dagaalyahanada Al-Shabaab si asyan waxyeelo u soo gaarin dadka Shacabka ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]