Khamiis,Febraayo
08,2018 (HOL)- Shirkii golaha
Wasiiradda Somaliland ayaa maanta lagaga dooday dagaalka labadda beelood ku
dhex maray gobolka Sanaag, abaarta ka jirta goboladda qaar iyo Duur-joogta
wadanka oo dad ajanabi ahi dibadda u dhoofinayaan.
Shirkan golaha wasiiradda waxa shirgudoominayey Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey
madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil
Saylici, ayaa waxaa si mug leh loogu lafo-guray dagaaladda dhexmara qaar ka mid
ah beelaha walaalaha ah ee ku dhaqan Somaliland, saamayn tabanna ku yeeshay bulshada
Somaliland, sidoo kale waxaa wasiirradu dareen adag ka muujiyeen dhalinyarada
rabshadaha ka sameeya magaalooyinka waa wayn ee dalka qaarkood.
Golaha wasiirraddu waxay soo jeediyeen in ay lagama maarmaan
tahay in la helo xal waara oo lagu xakameeyo lagagana hortago in isku dhacyada
beeluhu aanay dib u soo noqon iyo in la xoojiyo nidaamka dawladnimada si
bulshadu u hesho nabadgalyo buuxda, wixii dhibaato ah ee iminka jirana lagu dhammeeyo hab
dawladnimo.
war-saxaafadeedkan waxa ku saxeexan Afhayeenka madaxtooyadda
Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, waxaana lagu sheegay in wasiirradu ka
doodeen xaalad abaareed ee dalka jirta loona baahan yahay in la helo qorsheyaal
wax ku ool ah oo lagaga hortagi karo abaaraha dalka ku soo noqnoqonaya iyo in
la sameeyo daraasad sal balaadhan oo ku wajahan abaaraha. Sidoo kale waxaa golaha wasiirradu ka hadleen ka ganacsiga
noocyada duur-joogta oo qaybo dalka ka mid ah laga soo sheegay, gabagabadii
shirka waxa ka soo baxay qodobadan:-
1. In guddida nabad-galyadda golaha wasiirradu
ay daraasad qoto dheer ku soo sameeyaan sida looga hortagayo dagaaladda beelaha
ee in badan soo noqnoqonayey.
2. In la sameeyo daarasad cilmiyaysan iyo
qorsheyaal wax ka tari kara abaaraha soo noqnoqday, iyagoo kaashadaan aqoon
yahan-nada iyo Jaamacadaha Dalka.
3. In sida uu dhigayo Xeer Lr: 69/2015 ay mamnuuc
tahay in muwaadiniin iyo Ajaanib-tu ay ka ganacsadaan duurjoogta dalka nooc
kasta oo ay tahay iyo falkasta oo lagu dhibaataynayo, “Duur –joog: waxaa loola
jeedaa xayawaan kasta oo laf dhabar leh, ama bilaa laf-dhabar ah waxaana ku
jira ugxanta iyo dhashooda, waxa ka baxsan bini’aadamka, xoolaha la dhaqdo iyo
kalluunka”.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.