4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 3 , 2018
Alle ha naxariistee Garaad Cali Buraale oo ku geeriyoodey magaalada Laascaanood

Sabti, Feberaayo, 03, 2018 (HOL) - Alle ha u naxariistee Garaad Cali Buraale Xasan ayaa habeenimadii xalay ku geeriyoodey magaalada Laascanood ee xarunta gobolka Sool

Garaadka Alle haw naxariistee ku xanuunsanayey magaalada Laascaanood dhawr jeerna arimo caafimaad dalal dhawr ah u tegey ayaa maanta eheladiisu sheegeen geeridiisa waxana ay sheegeen in la aasi doono 6da bishan.

Taariikh Nololeedka Garaadka

Wuxuu ku dhashey Meel la dhaho BAARAAN , oo ah halka ay hadda tahay magaalada Kalabaydh oo Laascaanood kaga began dhanka Koonfureed 35 Km sanadkii 1931 .

Aabihii Waxaa la odhan jira Buraale Xasan Shiil , Hooyadiina waxaa lagu garan ogaa Xooshey Geesood .

Garaadku Waxaa ay waalidkii soo barbaariyeen illa uu ka 18 jirsaday , Waxaana uu ku soo barbaaray Miyiga Koonfurta magaalada Laascaanood . Sanadkii 1950 Bishii Dicember Waxaa uu Garaad Cali Buraale Xasan uu galay waddanka Jabuuti isaga oo aan da’diisu gaadhin 20 jir, waxaanu ka mid noqday ciidanka Booliska ee Faransiiskii gumaysan jirey oo uu xilal kaladuwan ka soo qabtay.

1975 Waxaa ay ku wargeliyeen Garaadka Hogaankii ugu sarreeeyey ee Ciidamada Faransiiska uu u soo bandhigay laba arimood in uu dowlada Jabuuti yeelanayso in lagu wareejiyo iyo uu hawlgab noqdo, taas oo Garaadku doortay hawlgabka.

Mudadaa ka dib Garaadka Waxaa uu ka bilaabay ganacsiyo kala duwan Magaaloyinka Muqdisho Arabsiyo iyo Hargeisa .
1986 dii Dawlada Millitary ga ee Soomaaliyeed waxaa ay guddoonsiisay abaal marin Billad Maar ah oo lagu guddoonsiiyey guulo uu ka gaadhay ganacsigiisa iyo waliba u hogaansan sharciyo ganacsiyeed oo ay dawlada Soomaaliyeed ee xilligaasi soo rogtay isla markaana ku abaal marisay siduu u uga soo baxay Fulinta Sharciyadaasi.

1999 July 29 Waxaa ay Beesha uu ka dashey Garaad Cali Buraale Xasan (Cabdi Garaad ) ay u boqratay inuu u noqdao Isimka ay ka amar qaadato Beesha , Waxaana lagu caano shubay Magaalada Dharkayn-Geenyo oo ku taalla koonfurta gobolka Sool.

Garaadku Wuxuu uu guursaday Shan Xaas , oo midi ay kala tageen , Waxaa uu Alle ku arsaaqay Garaadka 35 Caruur marka laga reebo inta dhimata kuwaa oo isugu jira Wiilal iyo Hablo , (14 Wiilal & 21 Waa Hablo) .

Taranta Garaad Cali Buraale Xasan marka la isku daro Caruurtiisa iyo Waxa ay sii dhaleen waxaa ay ka badan yihiin 100 Caruur ah .

C/Raxmaan Maxamed Axmed Nuur oo ka mid ahaa Dadkii ay mudada dheer wada noolaayeen oo ka hadlaya Garaadka ayaa yidhi :

‘Waxaa uu ahaa addoon Alle , Cibaado badan , Naxariis badan , Xarago badan deeqsi ah , Hawlkar ah , Xishood badan iyo waliba Nabadoon ka shaqeeya heshiisiinta Beelaha Waxaa kaloo uu ku caan baxay Samafalka Waalidkii iyadoo xilliyadii uu ka shaqayn Jirey Jabuuti uu sanadkii hal bil uu fasaxa ugu Imaan jiray Waalidkii , oo ku noolaa magaaloyinka Laascaanood Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn , Waxaana uu ugu lugayn jiray Buuhoodle iyo Burco Maadaam xilligaasi aaney jiray gaadiid lagu safro ‘

.
Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool