Madaxweyne Biixi oo ka qaybgallay sanad guuradda 24-aad ee aasaaska Ciidanka Militariga Somaliland
Sabti, Feberaayo, 03, 2018 (HOL) - Sanad-guuraddii 24aad ee aasaaska ciidamada mMilitariga
Somaliland ayaa maanta xaflad loogu dabaaldegayo loogu qabtay xarunta taliska
guud ee magaaladda Hargaysa.
Dabaaldega
ciidanka loo sameeyey waxa ka soo qaybgallay madaxweyne Muuse Biixi,
hogaamiyeyaasha xisbiyadda mucaaradka, madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo,
afar madaxweyne ku xigeeno hore soo maray, taliyeyaasha ciidamadda kala
duwan, safiiradda Itoobiya iyo Jabuuti iyo marti sharaf kale.
Munaasibadan
loogu dabaaldegayey sanad guuradda ka soo wareegtay maalintii la aasaasay
ciidanka Militariga oo ku beegnayd shalay jimcihii ee bishu tahay February
2-deedda oo sanad walba la xuso, balse maalinta Fasaxa ah awgeed loogu
raray maanta oo sabti ah in la xuso.
Munaasibadaasi
waxa ka hadlay madaxweyne Biixi, taliyaha ciidamada Militariga iyo wasiirka
Gaashaandhiga, kuwaas oo dhamaantood ka sheekeeyey taariikhda ciidanka, waxa
kale oo iyaguna riwaayad iyo heeso qiiro leh ku soo bandhigay fanaaniinta
Ciidanka.
Taliyaha
guud ee Ciidanka Militariga Gen: Nuux Taani waxaanu ka sheekeeyey taariikhdii
kala duwanaa ee ciidanku soo maray iyo marxaladihii uu ciidanku ka soo
qaybqaatay ee ay ugu weynayd maamul fidinta.
“Ciidanka
qaranku wuxuu qabtay sidii maamulka dawlada loo fidin lahaa loona gaadhsiin
lahaa gobolada, sida aan xasuusnahay 1997-kii Burco ciidan kama shisheyn,
waxaana sanadkaasi gaynay degmadda Oog oo wakhtigaasi dhawr cariish oo yaryar
lahayd, wixii maalintaasi ka dambeeyey wuu sii fidiyey illa uu maanta gaadhay
Tuko-raq oo marka halka aan sheegayo u jirta laba boqol oo kili mitir”ayuu
yidhi Taanni.
Waxa
kale oo uu intaas ku daray “Ciidanku meesha uu tagaba magaalooyinka wuu
kobcinayey, tuulooyinkii ay ciidanku degaan way camir mayeen wayna dhismayeen
oo maanta Oog waa magaalo weyn oo hoteello leh, ciidanku wuxuu ku dadaalaya
inuu xadka qaranka la gaadho wali maanu gaadhin waanuse ku dadaalaynaa, waxaana
ku dadaalnay sidii ciidankaasi loo tayeyn lahaa waxaanu samaynay dugsiyo
tobabar.”
Taliyuhu
wuxuu sheegay in ardaydii dugsiyadda ee ay aqoonta waxbarasho u direen ay soo
barteen dhakhaatiir, injineero iyo aqoono kale oo kala duwan leh, waxaanu
sheegay in ardaydaasi ay maanta macalimiin ka yihiin kuuliyadaha kala
duwan ee ciidanka iyo jaamacdaha kale ee dalkaba dhigaan.
“maanta
waxa dhakhaatiir noogu maqan wadamadda dibadda 11 sarkaal oo master soo
diyaarinaya, sanadkan oo qudha waxaanu dibada u dirnay laba boqol oo ciidan ah
oo iskugu jira kuwo soo diyaarinaya Master degree illaa askar caadi ah oo aan
waxbarasho u dirnay”ayuu hadalkiisa raaciyey.
Sidoo
kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay oo hambalyo u diray ciidanka iyo
xaasaskooda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaanu madaxweynuhu ka sheekeeyey
taariikhdii ciidanka Somaliland soo maray ilaa wakhtigii Ingiriiska ilaa
maanta, waxaanu sheegay inuu waayo aragnimo dheer leeyihiin ciidanka.
Sidoo
kale, waxa uu sheegay in ciidanka goobahaa ay tagaan aanay xoog ku tagin
ee odaynimo iyo cuqaalnimo ku tagaan oo aanay dadka is diidin, isla markaana ay
dadka deegaanka kasbadaan.
“ciidanka
Somaliland wuxuu tirsanayaa dhawr iyo toban sanno oo jabhad iyo halgalnimo ah
oo uu dalka xoreynayey iyo dhawr iyo labaatan sanno oo dal dhis
ahaa, ciidanka qaranku habeen walna muu nasan oo mar uu dalka difaaco, mar uu
nabadeynta ka qaybgallo iyo mar uu sanaaduuqda doorashooyinka ilaaliyaba, marka
waxaan leeyahay abaalkiina dadku way idin og yihiin”ayuu yidhi madaxweyne
Biixi.
Intaas
ka dibna madaxweynuhu xadhigga ka jaray dhisme laba dabaq ah oo laga bineeyey
xarunta taliska guud ee ciidanka qaranka Somaliland, dhismahaasi oo loogu
talo-galay inuu noqdo goob hurdo ay seexdaan martida ciidamada xidhiidhka la
leh ee dalka timaadda.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland